|

Kulan lagu darsayo Mashaariicda Hay’ada Socdaalada ee IOM oo Hargaysa ka Furmay

Hargaysa 10.June (SDN) Kulan howleed looga hadlayo  Xulashada  Mashaariicda  hay’ada  IOM  ee  qorsha howleedka dhinaca socdaalka ee   sanadaha 2013 ilaa – 2014  ayaa maanta looga furay  Magaalada Hargeysa  xubno ka  tirsan  Howl-wadeenadda Laanta Socdaalka ee Somaliland.

Taliyaha Laanta Socdaalka somaliland  Maxamed Cali Yuusuf oo ka hadlay furitaanka kulan howleedkan ayaa waxa  uu  tilmaamay in ujeedada kualnkani ay tahay sidii loo xulan lahaa mashaariicda   Hay’ada IOM   la xidhiidha qorshaha  sanadka 2013 ilaa iyo sanadka – 2014.

Taliyaha laanta  socdaalku waxa uu intaa raaciyey in dulucda kulankan ay ka mid tahay oo kale sidii loo kala qorshayan lahaa mashaariicda ay  hayadani dalka u hayso mudadaas loona waafajin lahaa baahiyaha jira iyo sida ay u kala mudanyihin ,gaar ahaana xuduudaha dhaadheer ee dalak ee dhinacyada  Berriga iyo Badda, si ay inoogu fududaato ayuu yidhi Taliyuhu  xakamaynta  iyo la dagaalanka tahriibka iyo dadka sharci darrada isaga Gudbaya Somaliland.

Waxa  kale oo isna halkaa ka hadlay Madaxa  hay’adda IOM waxaanuu ka waramay ujeedada  kulankan iyo wax-yaalaha  la doonayo inay ku falan qeeyaan ka qayb galayaashu, si looga soo saaro macluumaad ku wajahan  qorshayaasha  la doonayo in la meel mariyo ee dhinaca   mashaariicda .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed