Kulan lagu darsayay Meel Marinta Nidaamka Xukun daadajinta oo Hargaysa lagu qabtay
Hargaysa 25 March { SDN} Kulan lagaga hadlayey meel marinta Siyaasada dawladda ee maamul daadejinta oo uu gudoominayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuriyada Somaliland Mud,C/raxman C/lahi ismaaciil Saylici ayaa maanta lagu qabtay huteel maansoor ee magaalada Hargeysa.
Kulankan oo loo qabtay Qaar ka Mid ah Wasaaradaha dawlada waxaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaarada arimaha Gudaha Mud,Cabdi-samad Cumar Maal,waxaanuu tafaasiil ka bixiyey ujeedada kulan-kan loo qabtay oo uu sheegay inay tahay sidii loo meel marin lahaa siyaasada dawladda ee Maamul daadejinta si hay’adaha dawliga isla markaana ay ugu adeegaan Bulshada hanaan hufan oo Wax tar leh.
Agaasimaha Guud waxa uu intaa ku daray in siyaasada maamul daadejintu ay tahay hanaanka suura gelinaya in ay shacabku ka qayb qaataan maamulka ,ilaa heer tuulena la gaadhsiiyo dhamaan xafiisyada hay’adaha kala duwan ee dawladda.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Guduhu waxa uu xusay in laysku afgartay in la sameeyo guddi farsamo si ay u fudu-daato meel marinta Siyaasadani..
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay, Agaasimaha Gobolada iyo Degmooyinka ee wasaarada arimaha Gudaha Maxamed Cali,waxaanuu sheegay in howshani tahay mid khusaysa wasaaradaha adeega bixiya ee heer degmo. Waxaanuu agaasimuhu xusay in howshan meel marinta siyaasada maamul daadejinta uu madaxweynuhu u magacaabay Guddi uu gudoomiye u yahay M/xigeenka, si ay u hir-gasho wasaarad walibana ay adeegeedii u baahiso.waxaanuu intaa raaciyay in sharkan maanta uu yahay mid ujeedadiisu tahay in laysla qaato siyaasada Guud ee lagu wada shaqaynayo.
Hargaysa SDN.
qurbejoog@gmail.com