Kulan lagaga Hadlayo Xalinta Khilaafaadka iyo Kobcinta Nabada oo Laascaanood ka furmay
Laas Caanood 11.May (SDN) Gudoomiyaha Gobolka Sool Md.Maxamed Faarax Aadan,ayaa Maanta Magaalada Laas-canood uga Furay Kulan Ku saabsan Xalinta Khilaafaadka iyo Kobcinta Nabada,Madax-dhaqameed iyo waxgarad kalae oo ka kala socda Degmooyinka Gobolka.
Kulankan oo uu soo Qabanqaabiyay Ururka Wadaniga ah ee Xaqsoor, oo ay ka qayb qaadanayaan cuqaal, culimaa’udiin iyo waxgarad kale oo ka kala socda Degmooyinka Gobolka sool ayaa muddo laba maalmood ah oo uu socon doono kulankani waxa ay ku gorfayn doonaan xalinta khilafaadka iyo kobcinta nabada,.
Gudoomiyaha Gobolka Sool,Mohamed Faarax Aadan Ayaa waxa uu Xubnaha Kulanka ka qaybqaadanaya uu Soo Jeediyay In ay ka Faa’iidaystaan Mudada uu Socdo Tababarkani kaas oo uu sheegay in uu la xidhiidho adeega ay bulshada u hayaan madaax dhaqameedku iyo doorka ayku leeyihiin xalinata khilaafaadka bulshada dhexdeeda iyo adkaynta Nabadgelyada .
Cuqaal Ka tirsan Madax-Dhaqameedka ka qeyb Galaya Tababarkaasi,ayaa Dhinacooda Sheegay inay Ku Dabaqi Doonaan waxyaabaha ay Tababarkan ka Faa’iidaystaan Hawlahooda Shaqo.
Laascaanood