|

Kulan lagaga hadlayay Habsami u Gudashada Ololaha Talaalka Dabaysha oo Boorama lagu qabtay

Boorama 24.July (SDN) Shir lagaga hadlayey farriin ku wajahan talaalka Polio-da ama dabaysha ayaa maanta lagu qabtay xarunta caafimaadka Gobolka Awdal.

Shirkaasi waaxaa ka qayb qaadanaya qaybaha bulshada Gobolka sida culimaa’udiinka, dhakhaatiirta, hawlwadeenada caafimaad ee Gobolka iyo maamulka heer gobol iyo heer Degmo.

Madaxa talaalka Polio-da ee hay’adda WHO Siciid Bile Buraale oo shirkaa furitaankiisii ka hadlay ayaa sheegay hal xaalo oo Polio ah laga helay dalka Somaliland gaar ahaan Magaalada laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, sidoo kalena dalka aynu jaarka nahay ee Somalia-na lagu arkay labaatameeyo Kiis oo cudurkaas ah, taas darteedna la go’aamiyey in bil kasta laga hirgeliyo tallaalkaa dabaysha guud ahaan Somaliland si loo cidhibtiro Virus-ka sababa cudurkaasi.

Dhankiisana isuduwaha caafimaadka ee Gobolka Awdal Dr C/raxmaan Jaamac Xaddi ayaa sheegay in 25 bisha oo ku aaddan maalinta berito uu tallaalka dabayshu ka bilaaban doono Gobolka Awdal.

Gud/xigeenka Gobolkaasi Md Cabdi Nuur Sugaal oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa ku boorriyey guud ahaan dadweynaha Gobolku inay u diyaargaroobaan ka faa’iidaysiga talaalkaasi, wada shaqayn wanaagsana u muujiyaan hawlwadeenada ku hawlan.

Boorama SDN,

Qurbejoog.com

 

 

 

 

Comments are closed