|

Kulan lagaga hadlay sidii mudnaanta loo siin lahaa shaqaalaysiinta dadka muwaaddiniinta ah oo Hargaysa uga Furmay Xukuumada iyo Ururada Bulshada

Hargaysa 03 June, ,2015(SDN/QJ)- Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kulan la xidhiidha qorshaha shaqaalaysiinta muwaaddiniinta iyo ka tashiga kuwa ajnebiga la yeeshay madaxda shirkadaha ganacsiga, hay’adaha caalamiga ah iyo ururrada wadaniga ah.

Kulanka ShaqaalaysiintaKulan ka dhacay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ay ka qaybgaleen ugu yaraan 100 xubnood ka kala socday shirkadaha ganacsiga qaybahooda kala duwan, warshadaha, hay’adaha samofalka iyo ururrada waddaniga ah waxa lagu lafo-furay arrimaha shaqo-abuurka dalka iyo sidii looga midho-dhalin lahaa siyaasadda Wasaaradda Shaqadu wado ee ah in shaqooyinka waddanka ee muwaadiniintu qaban karaan aanay qaban karin dad ajaanib ahi.

Arrimaha madaxda wasaaraddu kala hadleen ka qaybgalayaasha kulankaasi waxa ka mid ahaa qodobadan;

  1. Sidii loo diiwaangalin lahaa shaqaalaha ajnabiga ee hay’adahooda ama ganacsigooda ka shaqeeya, lana xaqiijin lahaa in shaqo muwaaddin qaban karo aan cid kale qaban.

  2. Siyaasadda kobcinta shaqo-abuurka dhallinyarada.

  3. Arrimaha xidhiidhka shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha guud ahaanba.

  4. Dib-u-eegista Xeerka Shaqada (Labour Code)

  5. Kor-u-qaadidda qaabka wadashaqaynta iyo xidhiidhka Wasaaradda Shaqada iyo loo shaqeeyaha.

Warku waxa uu sheegay in dhinacyada kulankani u dhexeeyay isku afgarteen arrimaha la falanqeeyay, iyagoo qorshe hawleed muddaysan u dhigtay sidii loo xaqiijin lahaa in dhammaanba hawlihii la isla qaatay u fulaan.

Wasiirka Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in shaqaaluhu yahay hal-bowlaha horumarka dalka, isagoo xusay inay ku dadaalayaan sidii shaqaalaha kor loogu qaadi lahaa, isla markaana hoos loogu dhigi lahaa shaqo la’aanta.

Hargaysa SDN/QJ

contac@qurbejoog.com

Comments are closed