Kulan ku Saabsan Horumarinta Xisaabaadka iyo Ilaalinta Kharashaadka oo Hargaysa uga Furmay Xubno Maayaro ah
Hargaysa 25.July (SDN) Kulan ay ka soo qayb galeen Maayarada Degmooyinka Hargeysa, Gabilay, Booramme, Berbera iyo Burco,Kuna saabsan Qaabka horuumarinta xisaabaadka iyo ilaalinta kharashaadka ayaa maanta lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa,
Maayirka Degmada Boorame Mud,Saleebaan xasan Xaddi oo Shabakada Qurbejoog.com uga waramay kulankaas, ayaa sheegay in kulankan isugu yimaadeen maayirada shan degmo oo ka mid ah degmooyinka heerka kowaad ee dalka , waxaanuu sheegay in ay soo qaban qaabisay hay’adda I.L.O, kaas oo ku saabsan sidii layskula falanqayn lahaa qaabka loo hor marin karo qaab-xisaabeedka dawladaha Hoose iyo tashiilidda iyo ilaalinta kharashaadka.
Mudane saleebaan waxa uu intaa raaciyey in mashruucani uu yahay mid lagu tijaabiyey Caasimadda Hargaysa, iyada oo markii horena qorshahan horumarinta xisaabaadka uu qayb ka ahaa mashaariicda mashruuca GPLG-ga ee Dawladaha Hoose . waxaanuu xusay in mashruucaasi uu yahay mid la doonayo in lagu hormariyo qaabka laysugu dheeli tirayo kharashka iyo dakhliga
Maayarka degmada Boorame md. Saleebaan Xasan Xadi waxa uu tilmaamay in shaqaalahooda xisaabaadka ay shirkan ka qayb qaadanayeen muddo laba maalmood ah,Waxaanuu intaa ku daray haddii uu barnaamijkani guulaysto in lagaadhsiin doono dhammaan Gobolada dalka.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com