|

Kulan hawleed ku aadan Sahanka Tiro koobka Somaliland oo Hargaysa ka furamay

Hargaysa 20.October 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire ayaa magaaladda hargaysa ka furay tababar ku saabsan sahanka tiro koobka dalka kaasoo laga bilaabay dhamaan gobolada iyo dagmooyika dalka.

 

Tababarkan oo ujeedadiisu ay tahay sidii tiro koob loogu samayn lahaa dadka ku dhaqan guud ahaan dalka ayaa maanta la  wejigiisii hore oo ah  mid lagu eegayo laguna baran doono qaabka loo sameeyo sahanka tiro  koobka  dadyowga ku dhaqan magaaloyinka waaweyn iyo tuulooyinka.

 

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire oo ka hadlay furitaankii tababarka  ayaa sheegay in dhalinyarada maanta tababarku loo fuaryaa ay ku kala sugan yihiin dhamaan gobolada iyo dagmooyinka dalka islamrkaa lagu lafayo gurayo mudada uu socdo  hanaanka tiro koobka bulshada ku kala dhaqan magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka , waxaanu intaa raaciyay in wejiga labaad ee tababarka  lagu baran doono sahanka tirokoobka dadyoga reer miyga ah.

 

Wasiirka wasaaaradda qorshaynta qaranka dr sacad cali shire ayaa dhalinayarada tababarka loo furay kula dardaarmay in ay si weyn ugu faa iideystaan mudada ay wax barayaan  si loo helo aqoon mug leh oo lagu galo hawsha balaadhan ee tababaradani ay furaha u yihiin.

SDN-Hargaysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed