Kulan Garnaqsi ah oo Madaxweyne Gaas la Yeeshay Qaybaha Bulshada ee Magaalada Boosaaso Daawo
Boosaaso 24.March 2014 (SDN)- Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa aqalka madaxtooyda Bosaso ku qaabilay qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari, kuwaasi oo isugu jiray odayaal dhaqameed,aqoon yahan,dhalin yaro iyo haween.
Dadkii kulanka ka qayb galay ayaa siyaabo kala duwan u tilmaamay xaaladda gobolka iyo baahiyha taagan ee u baahan in waxqabad loo midaysan yahay laga sameeyo, iyagoo si adag Dowladda uga codsaday inay ka dhabayso isbedelkii ay ballan qaaday.
Intii uu Kulanku Socday ayaa Madaxwaynaha Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxaa wax laga wadiiyay qorshayaahsa dawladiisa ee dhinaca Amniga & arimo la Xariira Gobolada Maqan, iyadoona Madaxwayne Gaas dhamaan Su’aalihii la waydiiyay uu ka Jawaabayay,inkasta oo uu ku Margaday Sababta Keentay in Dawlada uu hogaamiyaa ay Talaabo uga Qaadi weyday markii madaxweynaha Somaliland Safarka kuĀ tegey degmada Laasqoray iyo dilkii loo gaystay Taliyihii Ciidamada Daraawiishta.
Madaxweynaha ayaa bulshadii uu la kulmay kala hadlay inay dadaal dheeraad ah ku bixiyaan sidii nabad galyada loo adkayn lahaa, wuxuu kaloo ku adkeeyey inay Dowladda taageeraan si horu mar loo gaaro.
Wuxuu kaloo u tilmaamay in ay cashuurta bixiyaan si loogu tallaabsado is bedelkii uu ballan qaaday waqtigii uu musharaxa ahaa, isagoo sheegay in is bedelkaasi uu ku imaan karo is kaashi iyo wada jir dhamaystiran.
Kulankaan ka sib waxaa madaxweynuhu uu kormeer shaqo ku tagay Dekedda Magaalada Bosaso,xafiisyada wasaaradaha dekedaha, maaliyadda iyo kalluumaysiga, wuxuu sidoo kale tagay Airport-ka magaalada bosaso, wuxuuna dhamaantood ka dhagaystay warbixino ku saabsan qaabka ay u shaqeeyaan iyo waxqabadka ay sameeyaan.
Boosaaso SDN.
Qurbejoog.com