|

Kulan Garnaqsi ah oo dhex Maray Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Iyo Hal door ka Tirsan Beesha uu ka soo Jeedo Iyo Xalka Khilaafka Xisbigaas oo la is tusay

Hargaysa 18.Dec 2015 (SDN/QJ):- Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, iyo haldoorka beesha uu ka soo jeedo ayaa  fooda isku daray shir doceed, kaas oo laga wada hadlaayey xaalka xisbiga UCID,& khilaafka soo labakacleeyey ee xisbiga UCID Mudooyinkii u danbeeyay ka dhex aloosnaa Iyo Weliba sidii loo daaweyn lahaa.

gp
Shirkan oo ahaa mid u gaar ah hadloorka beeshaasi iyo gudoomiye Faysal Cali waraabe isku waraysanayeen, ayaa waxa ka soo qayb-galay Suldaanka guud ee saldiinta Somaliland Suldaan Maxamed C/qaadir, boqoro, Salaadiin, dhallinyaro, aqoon yahan,iyo waxgaradka kale Beesha.

Haldoorka Beesha Gudoomiye Faysal ee madashan ka qayb-galay, ayaa haddaladoodu waxay u badnaayee canaan ay faysal Cali waraabe ay dusha u saareen, waxaanay u sheegeen inuu dhag xumo beesha u soo oo hooyey,iyagoo ka warbixiyey Khilaafyadii Xisbigani la soo kulmay iyo waxa kani kaga duwan yahay kuwii hore Waxayna u soo Jeediyeen Gudoomiye Faysal inuu qaato Mas’uuliyada Khilaafkan u dhexeeya Isaga iyo Murashaxa Madaxweyne Jamaal Cali Xuseen, Waxaa kale oo Haldoorkani Tilmaameen guuldarooyinka siyaasadeed ee UCID la deriska noqday.

Warku wuxuu intaas ku darayaa In Duqaydii Kulankaas oo Saxaafadu dibada ka joogtay ay Iftiimiyeen inuu markan Jiro heshiis hore oo dhexmaray odayaal ka soo jeeda beesha Murashax Jamaal Cali Xuseen iyo Duqayda Beesha Gudoomiye Faysal Cali Waraabe dhex maray Isla markaana aanay haboonayn in heshiiskaas laga baxo ee Sidiisii loo Ixtiraamo, waxaana la wariyey inuu Faysal Cali Waraabe tunka ku qaatay Mas’uuliyada Khilaafkan.

12386743_891664137619734_1812571023_nKullanka oo ahaa mid qado doceed ah oo uu sameeyey Faysal Cali Waraabe, ayaa la isku gabal dhacsaday, iyadoo gunaandkii uu halkaasi ka haddlay Faysal Cali waraabe,isagoo cadeeyay Mawqifka uu ka taagan yahay Khilaafka Xisbiga Ucid soo Kala Dhex galay ”Anigu ma ihi musharax jamaal baa musharaxa , laakiin xisbigu wuu qabsanayaa shirkisii golaha dhexe waana lagu tartamayaa waxaanu xisbigu ka tashanayaa sidii uu ugu guulaysan lahaa talada dalka mana doonayno inaanu markale guul daraysano”Ayuu yidhi Faysal

Comments are closed