Kulan dhex maray Hay’adaha Warbaahinta Somaliland iyo Madaxda Xukuumada {DHAGAYSO}
Hargaysa 21.April (SDN) Kulan balaadhan oo ay isugu Yimaadeen Qaybaha Warbaahinta ee Somaliland iyo Madaxda Wasaarada Warfaafinta ayaa maanta lagu qabtay Huteelka Maansoor .
Kulankan oo ahaa Hadhiimo Sharafeed waxaa ka qayb galay Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Warfaafinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse,Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul,Madaxda Hay’adaha Warbaahinta Somaliland waxaana lagaga hadlay doorka ay Saxaafada Somaliland ka qaadan karto qadiyada Qaranimada Somaliland.
Ka Sakow Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Warfaafinta iyo Afhayeenka Madaxtooyada Waxaa halkaasi dadkii ka hadlay Ugu Waaweynaa Oday Xuseen Cali Nuur oo ka mid ah Haldoorka Saxaafada Somaliland ee Mudada Nus qarniga ku dhow ku soo jiray Hawlaha Wartebinta ,C.laahi Waayab iyo Yuusuf Cabdi Gaboobe.
Halkan ka Dhagayso Hadaladii ay Madaxda Iyo Warfidiyeenadu halkaas ka jeediyeen .
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Warfaafin21.mp3″]
Hargaysa SDN.
qurbejoog.com