|

Kulamo looga hadlayo sii deynta Siyaasi Caan ah oo u Xidhan Madaxweyne Farmaajo oo oo caawa ka socda Magaaladda Muqdisho

Muqdisho 20. December 2017 (SDN/QJ):-Iyadoo maalinta ah beri loo balansan yahay mar kale Maxkamadeynta C/raxmaan C/shakuur oo u xiran dowlada Somalia ayaa waxaa caawa ka socda magaalada Muqdisho dedaalo lagu sii deynayo siyaasigan.

Madaxweynaha Somalia ayaa xarunta madaxtooyada kulan kula leh Madaxda Galmudug iyo Hirshabelle, kaasoo looga hadlayo xariga siyaasigan iyo sidii loo sii deyn lahaa.

 

Odayaal dhaqameedyo caan ah oo uu ku jiro Imaamka Hiraab ayaa iyana ku soo biiray dedaalada lagu sii deynayo C/raxmaan C/shakuur, iyagoo sidoo kale kulan xasaasi ah la leh raisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre.

 

Wararka ayaa qaar ayaa sheegaya in madaxda dowladu ay shuruud ku xireen sii deynta siyaasigan, kuwaasoo ay ka mid yihiin inuu joojiyo ololaha iyo wararka xumaanta ah ee uu ka faafinayo kuwaasoo madaxda dowladu sheegeen in jiritaanka qaranka ay wax u dhimayaan.

 

Weli ma jiraan wax natiijo ah oo ka soo baxay kulamadan oo weli socda, waxaana jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in siyaasigan xiran laga yaabo in caawaba xoriyadiisa la siiyo.

Comments are closed