|

Kulamo lagaga Hadlayo Xoojinta Nabadgalyada oo ka socda Baay iyo Bakool

Baladweyn 11.Sep (SDN)- Mas’uuliyiinta gobollada Baay iyo Bakool ayaa kulamo looga hadlayo horumarinta iyo nabad-gelyada gobollada waxa ay la qaadanayaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku dhaqan gobolladaasi, xilli la filayo in dhowaan ay billowdaan qorshayaasha maamul u sameynta gobolladaasi.

BaladweynGuddoomiyaha maamulka KMG ah ee gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow ayaa sheegay in bulshada ku dhaqan gobolka ay kala hadli doonaan hannaanka lagu horumarin karo gobolka iyo wada shaqeynta maamulka iyo bulshada.

Waxa uu sheegay in dhowaan magaalada Baydhabo ay gaari doonaan xildhibaannada baarlamaanka Somaaliya ee ka soo jeeda gobollada Baay iyo Bakool oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, si ay uga qeyb-qaataan wada-tashiga maamul u dhisidda gobollada Baay iyo Bakool.

Dhowaan ayaa lagu wadaa in gobollada Baay iyo Bakool loo sameeyo maamullo beddeli doona kuwa KMG ah ee haatan ka jira gobolladaasi.

Baladweyne SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed