|

Kulamo lagaga hadlayay dib u habaynta Maamulka Maaliyada Qaranka iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland oo Hargaysa lagu soo Gabo gabeeyay

Hargaysa 09.Dec 2013 (SDN) Wasiirada Maaliyada Somaliland Mudane C.casiis Maxamed Samaale oo uu Weheliyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire ayaa galabta soo gabo gabeeyay Laba kulan oo lagaga arrinsanayay dib u habaynta Maamulka Maaliyada Qaranka , iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland,kaas oo dhawaan uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland heshiiska kula saxeexday Dawladaha Ingiriiska iyo Denmark .

Shirkii QaadhaanLabadan Shir oo ka qabsoomay Huteel Ambassador ee Caasimada Hargaysa waxaa Kulanka hore lagaga hadlayay Mashruuca  dib u habaynta Maamulka Maaliyada Qaranka Somaliland (Pfm) iyadoo ay dhanka  qaadhaan bixiyeyaashana ay ka Socdeen Saraakiil sare oo ka Tirsan Hay’ada  Dhisidh oo ah hay’ada mucaawinooyinka u qaabilsan Somaliland halka dhinac Somaliland ay ka socdeen dhamaanba daneeyayaasha Mashruca dibu habaynta Maamulka Maaliyada Qaranka kuwaas oo kala ah  Wasaarada maaliyada,qorshaynta beeraha,Maareeyaha dekeda berbera,Gudida Qandaraaska Qaranka Hanti dhawraha guud ee qaranka,Hay’ada Shaqaalaha dawlada,maayarka caasimada hargaysa,  Gudidaaas oo uu dhawaan Madaxweynuhu magacaabay,Ujeedada kulankaasina waxa uu la xidhiidhay sidii loo fulin lahaa Mashruuca dib u habaynta Maamulka Maaliyada Qaranka Somaliland Pfm, kaas oo loogu talo galay inuu Socdo 2013 Ilaa 2017ka .

Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.casiis Maxamed Samaale oo ka Hadlay Gunaanadkii Kulankaas ayaa Sheegay inuu Soo dhawaynayo Mashaariicdan oo door wax ku ool ah ka qaadanaya Horumarinta dalka iyo kaabayaasha Nolosha .

Sidoo kale Shirka labaad ayaa ahaa Sanduuqa Horumarinta Somaliland  kaas oo ay dhawaan Madaxweyne axmed Siilaanyo la saxeexday Ingiriiska iyo Denmarka iyadoo ay goob joog ka ahaayeen labada hay’adooda ee u xilsaaran hirgalinta Mashaariicdan kuwaas oo kala ah Dhisidh iyo Dhiniida.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed