“Kufsigu Waa Shay Caadi ka Noqday Somalia” Human Right Watch
Nairobi 13.Feb 2014 (SDN)- Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch oo maanta shir jaraa’id ku qabatay magaalada Nairobi ayay ku soo bandhigtay warbixin ka kooban 27 bog oo ka hadleysa tacaddiyada ka dhanka ah haweenka, gaar ahaan kufsiga.
Warbixinta waxaa hal-ku-dhig looga dhigay “Halkan, Kufsigu waa iska caadi” waxaana lagu soo bandhigay shan qodob oo lagu xaddidi karo tacaddiyada ka dhanka ah haweenka.
Samer Muscati iyo Anisha oo qabtay shirka jaraa’id ayaa sheegay in weli magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran ay ka jiraan gaboodfallo ka dhan ah haweenka.
Waxay tilmaameen in haweenka la kufsaday aanay helin caddaalad, iyagoo ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay si dhab ah wax ugu qabato dhibaatooyinka loo geysanayo haweenka, gaar ahaan kuwa ku nool xeryaha barakacayaasha.
Warbixintan ayay hay’addu wax ka qortay tacaddiyada loo geystay haweenka tan iyo bishii August, 2012.
Nairobi SDN.
Qurbejoog.com