KUFSIGII GALDOGOB:- Dhallinyaradii Falkaasi Fulisay oo Xukun Shareecada Islaamka ah la Mariyey,Ganaax Lacageed Iyo Xabsina loogu daray
Galdogob 29. January 2017 (SDN/QJ):- Shan Dhalinyaro ah oo dhamaadkii Sanadkii hore labo Gabadhood ku kufsaday Degmada Galdagob kadibna mid ka mid ah gabdhaha ka duubay Muuqaal lagu baahiyay barha Bulshada ayaa maanta lagu kala xukumay Jeedal,Xabsi iyo Ganaax lacageed oo kala duwan.
Xukunkan oo ay rideen Culumadu,waxaa Goobjoog ka ahaa Musuuliyiin ka socotay Puntland,ehellada wiilasha iyo Qaar ka mid ah Dadka deegaanka,waxaana xukunka kadib Dowlada Puntland ku fulisay Dhalinyaradii jeedalkii lagu xukumay.
1:-Shirwaca Jaamaca Junle waxaa lagu xukumay 200 oo jedel ah,10 Sanno oo xarig ah iyo Ganaax lacageed oo dhan “$4620 Dollar
2:-Yaasir Maahir Xaashi waxaa lagu xukumay 200 oo jedel ah, 8 Sanno oo xarig iyo Ganaax lacageed oo dhan “$3520 Dollar.
3:-Ayaanle Wale Waxaa lagu xukumay 100 jedal ah, 7 Sanno oo xarig ah iyo Ganaax Lacageed oo dhan $2560 Dollar
4 :- Yaxye Awkax,Waxaa lagu xukumay 100 jedel ah, 6 Sanno oo xarig iyo Ganaax lacageed oo dhan $1760 Dollar
5:-C/risaaq Xoosh Jabriil,100 jedel ah,5 sanno oo xarig ah iyo Ganaax lacageed oo dhan $1760 Dollar.
Labada Beelood ee ay kasoo kala jeedaan Wiilasha iyo gabadha ayaa goobtaasi ka sheegay inay ku qanacsanyihiin xukunka lagu riday wiilasha culimadana ay ku amaanayaan doorka ay ka qaateen.
Goobta ay ka dhacaysay xukun waxaa ku sugnaa Wasiirka wasaaraa cadaalada dawlada Puntland iyo Wasiirka Haweenka arimaha qoyska dawlada Puntland.
Sidoo kale,Taliyaha Booliska Puntland Jen. Erag ayaa sheegay in Dhalinyaradii la xukmay in u so qaaden Magaalada Garowe si ay ugu bilaabto Muddo Xabsiyeedkooda lagu xukumay.