|

Kufsi Wadareedkii Ugu Foosha Xumaa oo Ka Dhacay Deegaanka Gal Dogob & Culimada Punt Land oo Si Adag uga Hadlay Iyo Weliba Xukunka Kuwii Kufsiga Sameeyay DAAWO

Garowe 17. January 2017 (SDN/QJ):- Iyadoo si aad ah Bulshada Soomaaliyeed u hadal hayso Dhacdo aad looga wada naxay oo ku saabsan Gabar da’ yar oo si arxan daro ah loogu kufsaday Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug ayaa arrintaas waxa ka hadlay qaar ka mid ah Culimada Puntland.
Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo kamid ah Culumada Puntland ayaa ka hadlay dhacdadaas Foosha xun ee lagula kacay Gabadha oo si weyn u xanuujisay Quluubta dadka Soomaaliyeed.
Sheekh Maxamuud ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaaladda Kufsigan iyo kuwa la midka ah iyo waxyaabaha ay ka qabto Shareecada Islaamka.

Comments are closed