|

Kudlad Qawlaysato ah Oo isu Bahaystay Lunsiga Hantida Umadda iyo Soo Gelinta Dhamaan Kootarabaanka Mamnuuca ah oo Somaliland ka Dilaacday

Hargaysa 08. April 2017 (SDN/QJ):-Silsilado musuqmaasuq oo baahsan, ayaa ka bilaabmay kaantaroollada cashuuraha ee xeebta iyo galbeedka Somaliland, taas oo noqotay kudlad isku xidhan oo waaxda cashuuraha iyo ciidamada ilaalada cashuuruhu hormood u yihiin.

Silsiladdan musuqa ah ee lagu lunsanayo lacagta umadda, ayaa waxa horseed ka ah oo hoggaaminaya isu-duwaha wasaaradda maaliyadda ee gobolka Salel, ahna madaxa kastamka Saylac Md. Faysal Aadan Yuusuf Ismaaciil, waxana musuqa ugu badani ka socdaa cashuur qarsoodi ah iyo lacago kale oo uu kastamkaasi ka qaado gaadiid ay ku raran yihiin Bacihiii  wareegtada lagu mamnuucay oo halkaas si caadi ah uga soo dega.

 

Qaylada iyo dhawaaqyada ka dhanka ah madaxa kastamka Saylac oo sidoo kalena xilka isu-duwaha gobolkaas haya oo muddo dheer soo taagnaa, ayaa soo laba kacleeyey muddooyinkii ugu dambeeyey, kadib markii uu masuulkaasi si muuqata oo aan gabbasho lahayn u cashuuray baco waddanka mamnuuc ka ah oo kasoo gelaya dhinaca dalka Djibouti, waxana uu xidhiidh dhaw la yeeshay ciidamada ilaalada cashuuraha ee Turbotaariyada loo yaqaanno, kuwaas oo uu ku naas-nuujiyo lacagaha qarsoodiga ah ee uu ilahaas kala duwan ka qaato, isla markaana uu ka dhigto  dariiq uu gaadiidka uu cashuurraha qarsoodiga ah ka qaato kusoo dhaafiyo kaantarroolada kale ee gobolkaas ka baxsan.

Isu-duwe Faysal, ayaa sida ay sheegayaan ilo-wareedyo uu helayo wargeyska Hubaal waxa uu noqday masuulka kaliya ee si badheedh ah adhaxda uga jabiya wareegtadii madaxweynuhu ku mamnuucay bacaha, waxana uu si badheedh ah goobaha uu maamulo uga soo geliyaa dhammaanba agabka kale ee kootarabaanka ah, kuwaas oo uu ka macaasho lacago xad-dhaaf ah oo uu jeebkiisa ku shubto.

 

Labada xil ee uu isku hayo Isu-duwahani, ayaa meesha ka saaray isu dheellitirnaantii iyo isla xisaabtankii masuuliyiinta wasaaradda maaliyadda ee gobolkaasi lahaayeen, waxana  kastamka Caasho-caddo oo isagu hufid ku sameeya dhammaanba gaadiidka raran ee soo dhaafayaa noqday mid fadhiid ah oo aan wax baadhitaanno ah ku samaynin xamuullada kasoo gudbaya, maadaama ciddii uu hoos tegayey  isla isuduwan uun yahay, waxana uu amar ku siiyaa inaan wax baadhitaan ah la marinin gaadiidka uu isagu soo fasaxo.

Xogaha aanu ka helnay kooxdan qaylaysatada ah ee musuqa caddaanka ah ka wadda deegaannada xeebta galbeed ee dalka, ayaa intaas ku daraya inuu isu-duwe Faysal laba askari oo katirsan ciidamada ilaalada cashuuraha soo saaro gaadhi kasta oo uu si qarsoodi ah cashuuro leexsan uga qaato si uu usoo dhaafiyo koontaroollada kale ee magaalooyinka Hargeysa iyo Wajaale ku dhaw, waxana gaadiidkaas cashuurtooda la lunsaday ee rarani ay magaalada soo galaan saacadaha dambe ee habeenkii.

 

Hanti-boobka uu horseedka u yahay madaxa kastamka Saylac, ahna isu duwaha wasaaradda maaliyadda ee gobolka Salal, ayaa laf-jab iyo dhiib-bax ku ah wareegtadii madaxweynuhu ku mamnuucay bacaha dalka hore loosoo gelin jirey oo ay waqtigaas xukuumadda cashur badani kasoo geli jirtey, waxana uu horseed u noqday inuu awaamiirtii xukuumadda ka hor yimaaddo, isla markaana uu hantidii umadda danihiisa gaarka ah u isticmaalo.

Gawaadhida bacuhu ku raran yihiin ee uu masuulkani soo cashuuro, isla markaana aanu xataa lacagaha uu ka qaado aanu qasnadda dawladda ku ridin, ayaa dhibaato weyn ku ah nolosha deegaanka, waxana xusid mudan in waqtigii uu madaxweynuhu wareegtada soo saaray albaabada loo laabay tiro warshado ah oo ay dad muwaadiniin ahi lahaayeen, kuwaas oo dakhli badani kasoo geli jirey, balse danta deegaanka iyo midda shacabka darteed looga xidhay.

 

Wasiirka maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa looga fadhiyaa inay tallaabo adag ka qaado masuulkan musuqa iyo hagardaamada bulshada ku haya, isla amrkaana dabagal ballaadhan ku samayso nidaamka uu u shaqaynayo ee sharciyadda baalmarsan.

 

Hufnaanta ciidamada ilaalada cashuuraha, ayaa iyagana si weyn loo dhaliilayaa, waxana weli muuqan la’ shaqada ay bulshada u hayaan, iyaga oo weli muujinaya dabacsanaan badan oo xagga cashuur ilaalinta ah, isla markaana ixtiraamaya awaamiirta aan xaqiiqada ku fadhiyin ee ay siinayaan masuuliyiinta wasaaradda maaliyadda ee goobaha fartu ku godan tahay ku magacaabani.

Comments are closed