Ku xigeenkii Xeer Ilaaliyaha Soomaaliya Oo lagu Dilay Weerarkii Xeebta Liido
Muqdisho,23Jn,2016(QJ/SDN)-Xeer Ilaaliyaha Guud Qaranka, Axmed Cali Daahir, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in mid ka mid ah Ku Xigeenadiisa lagu dilay weerarkii hal habeen ka hor, ay Ururka Al Shabaab ku qaadeen Xeebta Liido Ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.
Maxamuud Cabdi Magan oo ka mid ahaa Ku Xigeenada Xeer Ilaaliyaha Qaranka, ayaa ka mid noqday in ka badan labaatan qof, oo ay Ururka Al Shabaab si arxanda ku dileen weerarkaasi.
Xeer Ilaaliyaha Somaliya, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Ku Xigeenkiisii, Maxamuud Cabdi Magan, oo runtii ka mid noqday buu yiri dadkii ku shahiiday goobtaasi.
Xeer Ilaaliyaha, ayaa yidhi “Waxaan tacsi u dirayaa Ku Xigeenkeyga Xeer ilaaliyaha Guud Qaranka Maxamuud Cabdi Magan, oo runtii ka mid noqday dadkii ku shahiiday goobtaas.”
Axmed Cali Abuukar oo ka mid ah Xeer Ilaaliye Ku Xigeenada, ayaa xaqiijiyay in Maxamuud Cabdi Magan uu ku dhuuntay mid ka mid ah dhismooyinka cusub, ee laga hirgeliyay Xeebta Liido.
Axmed Cali Abuukar oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in dadkii u gurmaday dhibanayaasha, ay aqoonsan kari waayeen muuqaalka marxuumka.