|

Ku-xigeenkii Hoggaamiyaha Al-shabaab Oo Xalay Diyaarad Lagu Geeyay Muqdisho

Muqdisho 14. August 2017 (SDN/QJ):-Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku guuleysatay inay soo Xero-geliso Wadaadka Mukhtaar Rooboow  Cali Abuu Mansuur oo hore uga tirsanaa Kooxda Al-shabaab.

Sheekh Abuu Mansuur ayaa dhawaan ka goostay Kooxda Al-shabaab, waxaanu Wada-hadallo la bilaabay Dawladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo ku guuleysatay inay ku qanciso inuu isku dhiibo Ciidammada Maamul-gobolleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, taasi oo uu fuliyey Shalay Gelinkii hore, isagoo isku dhiibay Ciidamo ku sugnaa Degmada Xuddur, halkaasi oo Wefti loo diray Diyaarad kaga soo qaaday Xalay isla-markaana geeyay Magaalada Muqdisho, sida ay ku warrantay Warbaahinta Dawladdu.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Diyaaradda Degmada Xuddur ka soo qaadday Rooboow ay la socdeen Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdillaahi Maxamed  iyo saraakiil ka tirsan hay’adda nabad-sugida, kuwaasi oo horeba qayb uga ahaa Wada-hadallada keenay in Rooboow la geeyo Muqdisho.

Abuu Mansuur oo ka goostay Al-shabaab, ayaa inta aan isaga iyo Dagaalyahanno la socdaa isku dhiibin Ciidammada Maamulka Koonfur Galbeed, wuxuu dagaal Qadhaadh dhex maray Dagaalyahanno Al-shabaab ah, kuwaasi oo doonayey inay Gacanta ku dhigaan.

Mukhtaar Rooboow oo mar soo noqday ku-xigeenka Amiirka guud ee Al-shabaab, ayaa ka hor intii Diyaaraddii sidday gaadhin Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, waxa aad loo adkeeyay Ammaanka Garoonka.

Ugu dambayn, Rooboow ayaa Dowladda Mareykanka hore ugu raadineysay lacag dhan $5 Million oo dollar, laakiin horraantii sanadkan ayaa Maraykanbku shaaciyey in Mukhtaar Rooboow laga saaray liiska wax loogu yeedho Argagixisada.

Dadka la socda dhaqdhaqaaqyada Kooxaha Xagjirka ah, ayaa aaminsan in ka bixitaanka Rooboow ee Al-shabaab uu kooxdaasi uga dhigan yahay khasaare weyn.

Comments are closed