Barnaamijka ku dayo muwaadinka danta guud wax weyn ka soo qabtay rubuc-qarnigii tegay ee ku dayashada mudan’
Ilaa intii ka dambaysay markii dadka reer Somaliland xorriyadda ka qaateen gumaystihii Boqortooyada Iingiriiska iyo ka dib markii ay kala soo noqdeen madaxbannaanida midowgii Koonfurta Soomaaliya, waxay dadkeena iyo dalkeenu soo mareen marxalado badan oo taabanayey guud ahaan dhinacyada nolosha, hadday tahay halgan, horumar iyo himilooyin uu lahaaba.
Haddaba, mahad Ilaahay-baa lehe waxaynu joognaa meel fiican. Sidaa daraadeed waxa lama huraan ah, inaan ka faa’iidaysano waayo-aragnimooyinkii hore iyo carqaladihii faraha badnaa ee aynu ka soo gudubnay, isla markaana ay bulshadeenu garawsato oo ay qiimayso kuna dayato muwaadiniintii waddankan danta guud ka soo shaqeeyey una taagnaa mar walbana heeganka u ahaa, kuwaas oo dhibaatana u mutaystay midhana ka dhaliyey amma ay u suurtoobiwayday. Waxa uu barnaamijkani xaqiijinayaa una taagan yahay inay bulshadu ku dayato Muwaadiniinta danta guud si weyn wax uga qabtay (Models), isla markaana kasbaday in lagu daydo, oo aynu taariikhdeena meel wanaagsan ka dhigno oo dhaxalgal ah sidaasina ay isku daba socoto oo dhaqan ay inoo noqoto in wixii wanaagsan layskaga daydo. Taasoo keenaysa in horumar dhinac walba leh lagu talaabsado.
Sidaa awgeed, waxa aan laga fursanayn in muwaadiniinta qiimaha leh ee danta guud wax weyn kasoo kasbaday in lagu daydo, sidaasina lagu xuso looguna duceeyo. Taasina waxay baajinaysaa in da’ yarta iyo dhalinyaradeenuu ay ku daydaan cid kale, oo ay talada iyo tusaalaha ka qaataan, haddii ay waayaan hormooddo iyo haldoorro ay higsadaan kagana daydaan wixii wanaagsan ee danta guud ay ka soo qaqbteen waddankeena.
. Ujeedooyinka Barnaamijka (objectives)
- In la helo bulsho u bisil horumar in la hiigsado.
- In bulshada la fahansiiyo sidii uu dalka iyo dadkani u gaadhi lahaayeen wax wada-qabsiga iyo iskaashiga ummadda, si ay bulshadu u fahanto danta guud oo laga shaqeeyaa qiimaha ay leedahay.
- In dhalinyarada la baro qiimaha waddanka hooyo iyo waxyaalaha la wada leeyahay sida loo ilaashado loona sii horumariyo.
- Inay bulshadu helaan dad, kooxo iyo iskaashatooyin ay ku daydaan, oo hormuud u ah ka shaqaynta danta guud iyo wanaagga waddanka ay ku soo kordhiyeen amma mid shaqsiyeed oo ay leeyihiin.
- In la muujiyo qofka amma kooxda ku hawlan horumarin amma qiimo ku leh dadkan loona bandhigo bulshada inay ku daydaan oo ay iyaguna iskugu abaabulaan ka shaqaynta danta guud iyo midda gaar ahaaneed ee wanaag dadkan iyo dalkan ku soo kordhinaysa.
- In la helo bulshada oo ka fayoobaata qabyaalad, dan-shaqsiyeed oo ina daashatay iyo kooxaysi, oo u wada jeesata meel.
- In bulshadu adkaysato nabadgalyada oo laga shaqeeyo nabadda loona bandhigo qiimaha ay inagu taagan tahay.
- In bulshadu ay ku toosnaato dhaqanka diinta Islaamka iyo dhaqankeena Soomaaliga ee ay ogoshahay diinteena macaan.
- Inay bulshadu u jeesato wax-soo-saar, oo ay wax wada qabsadaan lana tuso ciddii u saaxiib ah wax-soo-saar ee ay ku dayan karaan.
- In bulshada iyo dowladdaba loo bandhigo inay shaqo abuur sameeyaan lana soo bandhigo ciddii wax weyn ka qabatay shaqo abuur waddankan.
- In bulshada laga wacyigaliyo mukhaadaraatka, oo ay u jeestaan horumar.
- In ay bulshadu u jeestaan waxbarasho, oo ay farsamooyinka casriga ah (technology) si fiican u bartaan si ay waddanka ugu soo kordhiyaan horukac lana tuso ciddii ku hawlan horumarinta farsamooyinka casriga ah sida isgaadhsiinta iyo waxyaalaha fududaynaya danta guud ee bulshada ee farsamooyinkan looga faa’iidaysan karo.
- In bulshada la baro samafalka iyo u gargaaridda dadka jilicsan iyo ciddii u baahan wax la qabasho.
- In bulshada laga wacyigaliyo is-faquuqa amma hayb-sooca, oo laga wada shaqeeyo danta guud ee ah inuu dadkani isku xuquuq noqdo.
- In la helo saxaafad ka fayow isku-dir, qabyaalad iyo wax aan bulshada manfac u lahayn, oo la tuso cid ay ku daydaan oo ka shaqaysa danta guud ee ummadda.
Qeybaha dhinacyada horumarka iyo waxqabadka ee muwaadinka danta guud wax weyn ka qabtay lagu soo xulanayo.
1. Horumarinta arrimaha diinta Islaamka.
2. Waxbarashada.
3. Caddaaladda iyo garsoorka.
4. Caafimaadka.
5. Dhaqanka.
6. Nabadaynta.
7. Maamul-wanaag.
8. Waxsoo-saarka.
9. Shaqo abuurka.
10. Ciyaaraha
11. Saxaafadda
12. La dagaalanka mukhaadaraatka
13. La dagaalanka hayb-sooca
14. La dagaalanka qabyaaladda.
15. Samafalka danyarta, dadka jilicsan iyo naafada
16. wax ka qabadka aafooyinka dabiiciga ah
17. xuquuqal iinsaanka
18. waddaniyadda
19. Wacyigalinta bulshada iyo suugaanta iyo fanka
20. la dagaalanka musuqmaasuqa.
21. isku xidhka danaha jahliyadaheena dibadda.
22. Qoraalka (buugaagta iyo maqaalada danta guud ka hadlaya)
23. Deegaanka.
24. Ganacsiga.
25. Muhindisnimo
Haddaba muwaadin u soo codee muwaadinka ku dayashada mudan ee danta guud si dhab ah wax uga qabtay ee midho ka dhaliyey rubuc-qarnigii tegay waqtigii ay duruufaha adagi inagu gadaamnaayeen iyo intii ka horraysayba.
Shuruudaha loogu codaynayo dadka lagu dayan karo.
- Waa inuu noqdaa qof nool amma dhintay rag iyo dumarba, oo wax muuqda oo aan shaki lahayn ka qabtay qodobadda 25-ka ah ee kor ku xusan.
- Mid aan ka galabsan bulshadeena tacaddi iyo dambi dhacay oo la xaqiijin karo.
- Waxa ka reebban in qofka lagu soo doorto qabyaalad iyo qof-jeclaysi.
- Waxa ka reebban da’yarta aan qaan-gaadhin.
- Waxa loo ogol yahay inuu qofku 5 qeybood ka codeeyo.
Waxa u xil-saaran xaqiijinta shaqsiyaadkan guddi shaqaalaha barnaamijka ka mid ah.
Tirada barnaamijkan la rabo inay soo baxaan waa 100 qof, oo danta guud si weyn wax uga qabtay. Waxaanad ugu soo codayn kartaan muwaadiniinta aad waxqabad ku soo xulataan, adigoo nidaamkan raacaya: magacaaga oo saddexan, gobolka aad joogto, da’da, telefoonkaaga iyo cidda aad u codaynayso iyo waxa aad ku xulanayso, adigoo soo qoraya muwaadinka aad soo xulatay magaciisa oo saddexan iyo telefoonkiisa amma emailkiisa, taasoo muhiim ah in la helo si loola xidhiidho. Waxaanad ku soo codayn doontaan ciwaanada iyo telefoonada hoos ku xusan.
Si uu u noqdo barnaamijkani mid bulshadu ay taageersan tahay oo bulshadu ay iska dhex arkayso, way kuu furan tahay inaad ku deeqdo wixii hawsha lagu fulinayo ee aad karto. iyadoo aanay wax saamayn ku yeelan doonin hab-socodka shaqada. Waxaanad ugu soo diri kartaa 63386528 Telesom amma 0659700840 Somtel.
Barnaamijkan waxa si mutadawacnimo ah iska xil-saaray muwaadin Rashiid Sulub Caalin iyo tiimka la shaqeeya, oo inta badan u tafaxaytay ka shaqaynta danta guud. Guddoomiyaha barnaamijka oo muddo 30 sanno oo waayo-aragnimo ah ku hawlanaa qoraalo, lekjaro iyo documentry films wacyigalin ah oo ka fog danaysi gaar ah, shaqsi jacayl iyo qabyaalad. Sidaa daraadeed wuxuu ku war-galinayaa dadweynaha isla markaana ku ballan qaadayaa in barnaamijkan loo dhigay nidaam casriya, oo system kala dhig-dhigaya oo hufnaani ku jirto oo aan shakina lahayn loo sameeyey, oo si cad u muujinaya cidda loo soo coddeeyey iyo waxa lagu xushay, iyadoo marka uu barnaamijku dhammaado la soo ban-dhigi doono habka uu barnaamijku u qabsoomay iyo faahfaahimo dheeraad ah.
Sida uu qorshuhu yahay barnaamijkan qeybtiisa labaad waxay tahay, in muwaadiniinta bulshadu ay soo xulatay ee ku dayashada mudan laga qoro buug taariikh-reeb ah, oo layskugu gaynayo dhammaan muwaadiniintaas, iyadoo taariikh yar oo gaaban oo ka warramaysa sidii ay wax u soo qabteen shaqsiyan iyo qaran ahaanba laga qori doono, iyadoo la rajaynayo in buugaas laga qoro lagu dhigi doono iskuuladda iyo jaamacadaha mustaqbalka, isla markaana lagu turjumi doono luuqadaha caalamiga ah ee ku habboon. Sidoo kale barnaamijkan qeybtiisa saddexaad waxay noqonaysaa, in documentry film gaaban laga sameeyo muwaadiniintaas la soo xushay si dadweynaha loogu soo ban-dhigo muuqaal ahaan lagana faa’iidaysto iyagoo hadlaya.
Barnaamijkani wuxuu tusaale u noqon doonaa is-qiimaynta bulshada, iskaga dayashada wanaagga, sare-u-qaadida garaadka bulshada, wax-wada-qabsiga bulshada iyo ka-shaqaynta danta guud.
Sidoo kale wuxuu noqonayaa barnaamijkiini kii labaad ee kaliya ee intii aynu taariikhdeena garanayno dadweynuhu ay u soo codayso si xor ah oo xalaal ah muwaadiniin muxtarim ah, taasi oo dhaqankeena ku cusub bulshadana bari doonta kuna dhiirin doonta cod-dhiibashada, ka qeyb-qaadashada daraasadaha, cilmi-baadhisyada iyo doorashooyinka qaranka ee dhaca.
Barnaamijkan intii aan la bilaabin waxa la sameeyey cilmi-baadhis balaadhan oo qoto-dheer. Waxaana la-tashi lala sameeyey aqoonyahano, dowladda Somaliland, ururada bulshada, waxgaradka iyo ciddii aan looga maarmin. Waxaanu halkan barnaamijku uga mahadcelinayaa sidii xilkasnimada iyo daacadnimada lahayd ee ay dadkaasi ku qaabileen barnaamijkan.
Waxa barnaamijkan ka madax ah muwaadin Rashiid Sulub Caalin.
GUJI HALKAN HOOSE SI UU KUU GEEYO BOGA AAD KU CODAYN KARTID
Muwaadin u soo codee muwaadiniinta kudayashada mudan ee aad door-bidayso.