KU SOCOTA WASIIRKA MAALIYADA SAMAALE
Maalin dhawayd ayaa wiil aan wareystay oo ka mid ahaa ardeydii fadhiday oo ahayd mid qalinjabibna ayaa madashaa ay hadlayeen Samaale,Faysal Cali waraabe iyo madax dowlada ka tirsan
,samaale ayaa qudbadii ubaxay oo isagu waxaanu ka filaney inuu nagala hadlo baahiya aradyad iyo shaqo helis iyo tahriibta wuxuuse ka Hadley wado kale iyadoo aanay dhaartu banaaneyn hadaaney qasab ahayn ayaa anagoo ardeydiiya qudbad wada dhaara halkaas nooga mariyey sidaa owgeed anaguna waxaanu halkan kusoo bandhigeynaa wixii aanu halkaa ka odhan lahayn oo noo suura galiwaydey .Hadaba Samaale wixii aad naweydiisey ama nagu dhaarisey wixii ka jira halkan ayaanu kaaga fureynaaye adna wixii jra nooga soo jawaab waxaanu kaa waydiino.
Illaah baad nagu dhaarisee– mushahaaradii waa laban laabteen
Illaah baan kugu dhaarinee –miyaan qorshihiinu meceeshadii saddex laabin
Illaah baad nagu dhaarisee–skuuladii lacag la’aan ayaad ka dhigteen
Illaah baan kugu dhaarinee– skuuladii miyaydaan macalimiin la’aan ka dhigin oo aan ardaydii wax isu dhigin
Illaah baad nagu dhaarisee— xisbiyada lacagtii waad u kordhiseen
Illaah baan kugu dhaarinee– miyaydaan xisbiyadii naafo ka dhigin
Illaah baad nagu dhaarisee– xisbiyadii waa furteen oo fasaxdeen
Illaah baan kugu dhaarinee– miyaydaan qabyaaladii furin oo fasixin
Illaah baad nagu dhaarisee– doorasho waa qabateen
Illaah baan kugu dhaarinee– miyaan fusuq-maasaq ka dhicin oo aydaan ku shuban
Illaah baad nagu dhaarise– siyaasadi contaynarka ee xidhxidhnayd waa badasheen oo shirar caalamiya ayaa ka qayb gashaan.
Illaah baan kugu dhaarinee– miyaydaan safaaradihii Somaliland soo xidhin oo aydaan maamul Gobaleed aqbalin.
Illaah baad nagu dhaarisee– ciidanka kala sarayn iyo darajooyin ayaad u samayseen
Illaah baan kugu dhaarinee– miyaan kala sarayntii dowladu lumin oo aan xoghaye wasiirada intooda badan maamulin
Illaah baad nagu dhaarisee tiro badan Udub waa kaga badiseen, sharafna waa la idiinku dhiibay
Illaah baan kugu dhaarinee miyaan qorshaha aad sii dhigteen ahayn in aan doorashaba dalka ka dhicin oo aan la is aaminin
Illaah baad nagu dhaarisee– airportka lacagtii kuwayd wax waa ka galiseen
Illaah baan kugu dhaarinee–miyaan intaa in ka badan la lunsan markaad faraha ka galiseen dad aan ehel u ahayn dhisme balse qabyaalad ku helay mashruuca
Illaah baad nagu dhaarisee–lacagtii Burco waa ka badasheen
Illaah baanu kugu dhaarinee—miyaan madaxwaynaha hada joogaa hortaagnayn markii (AHN) Cigaal wadanka oo dhan ka badalayay
Illaah baad nagu dhaarisee– waxoogaa haween ah dowlada waa ku darteen
Illaah baan kugu dhaarinee–miyaan casarka gaaban hadh iyo habeen lagu kufsan dariiqyada iyo isteeshin boliisyada horteeda
Ugu dambayn Illaah baanu kugu dhaarinee miyaan adiga Muse laguu hayn oon laguu korin
Qalinkii:Amiin Khadar