|

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka: “Xukuumaddu Mar dhow ayey wadahadal la bilaabaysaa Puntland”

Muqdisho Sept 22, 2014(SDN/QJ)- Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maanta sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dhowaan wadahadal daah-furan la bilaabi doonto Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Mudane Ridwaan Xirsi ayaa sheegay in wadahadaladii la filayey inay dhowaan dhex-maraan Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Puntland uu dib-u-dhac ku yimi sababo farsamo awgeed.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaaka ee Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed oo arrinta wadahadalada Puntland ka hadlayey waxa uu yiri:

“Waxaan dadka Puntland iyo xukuumadoodaba u xaqiijinayaa in Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay wada shaqeeyaan Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland si loo soo celiyo kalsoonidii iyo midnimadii qaran”.

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

Comments are closed