|

Ku simaha Raaisul Wasaaraha DFKMG ah oo qeyrul sharci ku tilmaamay Ictiraafka Khaatumo

Muqdisho Mar 09,2012(SDN)-War murtiyeed maanta ka soo baxay xafiiska ku-simaha Raiisul Wasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya ahna Wasiirka Xanaanada Xoolaha Md Maxamed Maxamuud Ibrahim ayaa shaaca looga qaaday in sifadii madaxweyne Sheekh Shariif ee uu ku aqoonsaday maamulkii looga dhawaaqay Taleex ee Khaatumo aanu sharciga dalka waafaqsaneyn.

Ku-simaha raiisul Wasaaraha ayaa sheegay in kolkii uu kuurgalay dastuurka dalka ay u sooo baxday in goaankaasi aanu Axdiga KMG ah waafaqsaneyn.

Sidaa owgeedna ay xukuumadu ka noqotay goaankii aqoonsiga maamulka Khaatumo.

Madaxweynaha DFKMG ah Sheekh Shariif ayaa dhawaan shaaciyay in uu aqoonsaday maamulkaasi.

xeel dheereyaasha ayaa qaba in rag madaxweynaha ku dhaw oo ka qeybgalay shir beeleedkii Taleex ay ku lug lahaayeen goaanka madaxweynaha.

 

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed