Ku-simaha R.W oo ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay kala shaqeeyaan Sugidda Amniga
Khamiis Oct 16,2014(SDN/QJ)- Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Axmed Ereg, ayaa cambaareeyay falalkii foosha xumaa ee kooxaha Nabad-diidku u geysteen Shacab Soomaaliyeed oo waxba galabsan.
Mudane Khaliif Axmed Ereg oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay markii kooxda Al-shabaab lagu jabiyay goobaha dagaallada, lagana qabsaday illihii dhaqaaluhu kasoo gali jiray iyo deegaannadii saldhigga u ahaa ay bartilmaameed ka-dhigtaan shacabka birmo geydada ah iyo goobaha bulshada rayidka ah iskugu timaado.
“Ugu horeyn anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Xukuumadda waxaan rabaa in aan halkan tacsi uga diro guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan qoysaskii iyo ehelladii dadkoodu ku waxyeeloobay falalkii foosha xumaa ee is-daba-jooga ahaa oo kooxaha Nabad-diidku u geysteen shacab Soomaaliyeed oo waxba galabsan” ayuu yiri Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Khaliif Axmed Ereg oo dhinaca kale ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ciidamadda nabad-galyada una soo gudbiyaan wax kasta oo dhibaato ku ah nabad-galyada iyo xasilloonida dalka.
Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in si gaar ah loola socdo abaabullada iyo qorshayaasha ay soo wadaan Al-shabaab, wuxuna ugu baaqay dadka iska leh goobaha ay bulshadu ku kulanto in ay muujiyaan feejignaan si cadowgu uusan khasaare ugu gaysan shacabka iyo hantidooda.
Dhanka kale, ku-simaha R/Wasaaraha ahna Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Khaliif Axmed Ereg, ayaa la kulmay Safiirka dowladda Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, waxana ay ka wada hadleen xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, iyadoo ay Xukuumadda uga mahad celisay dadaalkooda iyo is-garab istaaga dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.
Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamka dowladda Soomaaliya Mudane Siciid C/laahi Dani oo kulanka kaddib Saxaafadda la hadlay ayaa yiri “Maalgashi caalami ah iyo xiriir caalami ah ayaa Soomaaliya dib ugu soo noqday waana inaan fursadahaas ka faa’iideysanaa oo aan caalamka tusinaa in ay Soomaaliya nabad tahay oo la maalgeshan karo, si dhalinyaradeenna ay u helaan fursado shaqo oo muhiim u ah horumarka dalka, dowladda Jarmalka waxay dalka ka fulin doontaa mashaariic badan oo waxtar leh” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.
SDN/QJ-Muqdisho