Ku Simaha Madaxweynaha Somaliland ahna Madaxweyne Ku Xigeenka oo Si adag uga Digay Cunfiga Qabyaaladeed ee Hadheeyay Doorashadda soo Socota ee Madaxtooyadda DAAWO
Hargaysa 01. September 2017 (SDN/QJ):-Madaxweyne ku-xigeenkaJamhuuriyadda Somaliland, Mudane Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo shacabka kula tukaday masjid Jaamaca weyn ee Hargaysa.
Madaxweyneku-xigeenka oo uu wehelinaayo Gudoomiyaha ahna Musharaxa xisbiga KULMIYE mudane Muuse biixi Cabdi ayaa bulsho weynta ku dhaqan caasimada somaliland ee hargaysa kula tukaday salaadii ciida masjid jaamaca weyn oo ay so camireen kumanaan bulshada ku dhaqan caasimada .
Madaxweyne ku-xigeenka oo khudad u jeediyay bulshada ayaa ugu hambalyeeyay munaasibada ciidal-adxa, Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane C.raxmaan Saylici ayaa Sheegay in loo baahan yahay Sidii Cunfiga looga Ilaalin lahaa Doorashada fooda inagu soo haysa ee Madaxtooyadda Waxaanu xusay inay Waajib tahay sidii doorashada iyo tartanka dhici doona looga dhawri lahaa qabyaalad iyo Wax kasta oo Kala Fogaynaya Shacabka Somaliland .