Ku Simaha Garyaqaanka Guud ee Qaranka oo Ka Hadlay Muranka ka Taagan doorashada Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland & Fariin uu u diray Komiishanka Doorashooyinka & Xisbiyada Qaranka DAAWO
Hargaysa 13. August 2017 (SDN/QJ):- Garyaqaan Xuseen Maxamed Jaamac Belel oo ah ku Simaha iyo Ku Xigeenka Garyaqaanka Guud ee Qaranka ayaa markii ugu horaysay waxa uu ka hadlay Khilaafka cirka isku shareeray ee Ka Dhashay Doorashadii Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiiladda Somaliland.
Garyaqaan Xuseen Maxamed Jaamac Belel waxa uu fariin u diray Komiishanka Doorashooyinka qaranka iyo madaxda sadexda xisbi qaran oo uu u soo jeediyay inay shaqeeyaan xeerarkii ay kala saxeexdeen.