Ku Dhawaad Toban Hay’adood oo Caalami ah oo Bankiga Barlays Ka Codsaday inaanu Xidhin Xisaabaadka Soomaalidu leedahay
London:11-Sep-2013 (SDN)-ugu yaraan Toban Hay’adood oo Caalami ah ayaa banigiga Barclays u diray farriin ah inaanu xidhin xisaabaadka uga dhex furan xawaaladaha soomaalida.
Hay’adda Oxfam, CARE International iyo toddobo hay’adood oo kale oo kuwa gargaarka ah ayaa Bankiga Barclays ugu baaqay inuu ka noqdo qorshaha uu ku xidhayo akoonnada dhowr xawaaladood oo kuwa Soomaalida ah.
Barclays oo fududeeya dirista lacagaha ee xawaaladaha Soomaalida qaar ka tirsan waddamada Yurub ayaa dhowaan sheegay inuu qorsheynayo xidhidda sanduuqyada lacagta ee shirkadaha xawaaladaha, iyagoo u cuskanaya sharciga la dagaallanka argagixisada.
Bankigu wuxuu ka cabsi qabaa in lacagta la sii mariyo hannaankeeda lacagaha ay u gacan-gali karto kooxda xag-jirka ah ee al-Shabaab.
Hay’adaha waxay sheegeen in lacagaha qurba-joogta ay u diraan gudaha Soomaaliya ay nolol u tahay qoysaskooda, taasoo dhibaato ku noqoneysa dad badan haddii la xannibo.
Barclays wuxuu sheegay inuu dib u dhigayo go’aanka uu ku xidhayo akoonnada xawaaladaha.
Farriinta ay Hay’adaha caalamiga ahi u direen Bangiga Barclays, ayaa waxa soo dhaweeyey Soomaalida xawaaladaha leh iyo kuwa kale ee lacaguhu dibadda uga iman jireen, waxana la filayaa inuu horseedo in dubu eegis kale lagu sameeyo Go’aankii u hore bangigu u qaatay.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com