Ku dhawaad 200-ruux oo Ku geeriyooday dagaal Ka Dhacay Waqooyiga Nigeria
Baga April 22 2013 (SDN)– Ugu yaraan 185-ruux ayaa ku geeriyootay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidamada dowladda Nigeria iyo kuwa Kooxda Mucaaradka ee Boko Xaraa, kaasi oo ka dhacay Waqooyiga dalkaasi.
Warbaahinta dalka Nigeria ayaa ku soo warmeysa in dagaalkaasi sidoo kale ay burbureen 2-kun oo guri oo ay la haayeen dad rayid ah, waxaana ay intaasi ku dareen in dagaalku uu ka dhacay Magaalada fog ee Baga oo ku taalla Xadka dalkaasi uu la wadaago dalka Chad.
Dagaalka ayaa dhacay sida la soo sheegay Habeenkii Jimcaha markii ay isku dayeen Milatariga Nigeria in ay kooxda Boko Xaraam ka saaraan Magaalada Baga oo ay ku xooganyihiin.
Majiraan wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinaca ee dirirtu ay dhexmartay hase ahaatee Boko Xaraam ayaa dagaal kala soo horjeeda dowladda Nigeria waxaana weraro iyo qaraxyo ay in kabadan Kun Qof ku dhinteen ay dalkaasi ka geysaneysay tan iyo 2009kii.
SDN-Baga