|

Korodhka Tiradda Dhimashada ee Xujayda Maanta Ku Sugan Deegaanka Mina oo Hada Maraysa 717 Dhimasho Iyo 805 Dhaawac ah iyo Kooxaha Gurmadka oo Mashquulsan SAWIRO

Maka 24.Sep 2015 (SDN/QJ)-Saraakisha difaaca madaniga ah ee dalka Sacuudiga ayaa maanta sheegaya in 717 ruux Qof ku dhinteen deegaanka Mina, halka ilaa 805 ruux ay ku dhaawacmeen ka dib markii xujaaj lagu qiyaas ilaa labo malyuun oo qof is jiidheen qaarna ay neef qabatoobeen.

2CB4B7FB00000578-3247269-image-a-18_1443086388395

_85720312_43115b60-9cff-4849-8f72-a1b40a341eb8 (1)Shilkani waxa uu dhacay markii xujaajtu ay soo dhamaysteen salaadii ciida oo ay u anbabaxeen dhinaca Mina si ay u sameeyaan dhagax tuurka kaas oo ka mid ah rukumada xajka.

 

Xafiiska Gurmadka u qaabilsan dawladda Sucuudiga ayaa bogga ay ku leeyihiin barta Twitter soo dhigay sawirada iyo tirade dadka wax noqday Taas oo Saacad Saacad isu bedelaysa.

Hase yeeshee ciidamada amniga iyo kooxaha gurmadka ee dalkaasi ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii xujaajtu ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda in kastoo sanadkan tiro badan oo xujaaj ahi ay ka yimaadeen daafaha dunida iyada oo waliba maalaayiin qof ka soo xajiyeen gudaha dalkaasi Sacuudiga.

Ma aha markii ugu horaysay ee ay qaar ka mid ah dadka xajka gudanaya ay is-jiidhaan, iyada oo 25kii sano ee la soo dhaafay dad badan ay shilal noocan ah u dhinteen.

Shilkii noocan oo kale ahaa ee ugu darnaa ayaa dhacay sanadkii 1990 wakhtigaasi oo 1400 oo xaaji ay dhinteen.

10kii bishan aynu ku Jirno ee September ayaa in ka badan Boqol Xaaji ay ku naf waayeen Tiro intaas ka badanina ay ku dhaawacantay kadib markii uu ku soo dumay Wiish lagu dhisayay Qayb ka Mid ah Masjidka Barakaysan ee Maka .

12036735_1671968089685762_8148139987816028706_n 11224099_1671968123019092_2350670804698549234_n 12043133_1671968153019089_176268570891250539_n 12002878_1671968136352424_5985114102296639360_n 12049633_1671968133019091_8060407958480669980_n 12038242_1671968159685755_3779462274738432813_n 11229292_1671968179685753_6357492513903776113_n 12027742_1671780746371163_9210590947083962723_n 12006149_1671780759704495_4425501141631336493_n 12011158_1671780716371166_6355173361633531413_n

Kala Soco Shabakada Qurbejoog.com Wixii ka soo Kordha Shilka ka dhacay Xajka.

 

Comments are closed