Korodhka Shilalka Gaadiidka ee Gobolka Togdheer, Khasaaraha ka dhashay iyo Masuuliyiin ka hadlay DAAWO
Burco 08.Aug 2016 (SDN/QJ):- Shilalka Gaadiidka ee ka dhaca magaalada gobolka Togdheer, ayaa kordhay bilihii u dambeeyey, iyadoo Shilkii ugu dambeeyey uu dhacay Axaddii Shalay, kaasoo sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca afar ruux oo kale, sida uu xaqiijiyey Taliyaha qaybta Booliska gobolka Togdheer Axmed Maxamed Guutaale.
Shilka Baabuur ee Axaddii dhacay, ayaa ka dhacay Afaafka Biriijka wayn ee magaalada Burco, ka dib markii ay laba Gaadhi isku dhaceen, waxaana halkaas ku dhintay hal qof, afar kalena way ku dhaawacmeen. Waxaanu Taliyuhu sheegay inay bilihii u dambeeyey kordheen shilallka Gaadiidka ee ka dhaca Burco iyo nawaaxigeeda ama deegaannada gobolkaas.
Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Togdheer Axmed Maxamed Guutaale oo sharraxaya shilalka bishii dhammaaday ee Julay ka dhacay Burco iyo nawaaxigeeda, waxa uu yidhi; “Shilalka Baabuurtu aad bay u badan yihiin, waxaanad mooddaa guud ahaan dalka oo dhan inay ku sii badanayaan Shilalalka Gaadiidku. Immika bishii dhammaatay ee Julay bil markaan leeyahay waa wax aad u yar oo waa 30 cisho, dhimashadu shan qof bay ahayd, 25 illaa 28 Gaadhi ayaa khasaare gaadhay oo intooda badani ay khadkaba ka baxeen, Guryo ay khasaare gaadhsiiyeen ama burburiyeen baa jira, Xoolo ay jiidheen baa jira, Dhaawacu waa 38 qof bishii Julay.”
Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd, ayaa isaguna Saxaafadda kala hadlay arrinta Shilalka Baabuurta ee sii badanaya, waxaanu yidhi; “Waxaa kuu muuqanaysa dhibaatooyinka Shilalka Baabuurta ee gobolka ka dhacaya ama Somaliland-ba inay badan yihiin. Waxyaabo badan ba sabab u ah dhibaatadaas, waxaa ka mid ah Carruur yaryar oo Tahriib looga baqayo oo ama Tig loo iibiyey ama Baabuur kale loo iibinayo oo aan dhibaatada iyaga soo gaadhaysa iyo ta ay geysanayaan toona ogeyn.”
Labada Masuul waxay ugu baaqeen Wadayaasha Baabuurta inay taxaddar badan iyo Masuuliyad muujiyaan, isla markaana la socdaan Tayada Gawaadhida ay wataan iyo habsami-u-socodka marka ay magaalooyinka dhex-marayaan iyo marka ay Safarrada ku jiraan-ba, kordhiyaanna aqoontooda Gaadiid-wadista.
Hadallada Taliyaha Qaybta Booliska Togdheer iyo Guddoomiye Ku-xigeenka gobolkaas iyo waxa ay ku sababeeyeen Shilalka badanaya iyo weliba Baaqa ay Wadayaasha Baabuurta u direen-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-