Kormeerka Doorashada: Jillayaal Aan dawli Ahayn Mise Jillayaal Dawliya!
Hargeysa, 16 Nov 2015 (SDN/QJ):- Ururka jilayaasha aan dawliga ahayn ee Sonsaf ayaa shalay magaalada Hargeysa ku qabtay dood lagaga hadlay sidii loo hir gelin lahaa diiwaan gelinta codbixiyaasha somaliland, doorashooyinkuna ku qabsoomi lahaayeen wakhtigii loogu tala galay.
Kulankaa ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday sadexda xisbi qaran ee somaliland, gudoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka, ururada bulshada ee ka qayb galaya hanaanka doorashadu u socoto iyo xubno kale. Gudoomiyaha ururka jilayaasha aan dawliga ahayn ee Sonsaf Mustafe Sacad Dhinbiil oo ka hadlay furitaanka kulankan ayaa waxa ka waramay warbixin ay ka soo saareen doorashooyinkii dawladaha hoose ee ka qabsoomay somaliland waxaanu yidhi “Warbixintii aanu ka soo saarnay doorashadii 2012 waxa uu ahaa buug meel walba lagu qaybiyey, maalintii aanu daah furaynay waxaanu ku furnay magaalada Nairobi oo ay joogaan inta badan dhamaan qolyaha inaga caawiya doorashooyinka, mar labaadna waxaanu ku furnay magaalada Hargeysa, in ka badan 2000 buug ayaa la daabacay ilaa imikana wufuud kasta oo caalami ah oo yimaada waa la siiyaa, waxaanay noqotay warbixin dhex dhexaad ah oo ururada bulshadu ku daba galeen nidaamka doorashada.”
Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo ka hadlay kulanka ayaa soo dhaweeyey ururada bulshada ee ka qayb galaya ilaalinta hawlaha doorashada waxaanuu yidhi; “Kulankan ujeedadiisu ay tahay sidii ay gogol xaadh ugu noqon lahayd, diyaar garawna ugu noqon lahayd, masuuliyadooda loo tilmaami lahaa ururada bulshadu sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen ka qayb galka iyo ilaalinta doorashoyinka soo socda, waanu soo dhawaynaynaa.”
Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay kulankan ayaa dhinaciisa sheegay inay muhiim tahay in dadka masuuliyiinta ahi ay dhawraan wixii lagu heshiiyo waxaanu yidhi; “Bahasha haddii aynaan dadkeena mudakarka ah ee masuuliyiinta ahi aynaan ilaalin wixii ay qoreen shacabkuna wuu baabi,inayaa, ta kale wuu jirayaa kormeer ay samaynayaan ururada bulshadu laakiin awood ma leeyihiin marka ay arkaan wixii oo xumaaday waa inay jirtaa meel dacwadooda qaadaysa oo saamayn leh.” Ayuu yidhi gudoomiye Faysal Cali Waraabe.
Sidoo kale La taliyaha siyaasada arimaha dibada ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Faadumo Siciid Ibraahin oo ka hadashay kulankan ayaa soo dhawaysay ururada bulshada rayidka ah waxaanay tidhi; “Runtii waxa weeyaan waa loo baahan yahay ururada bulshada waanan soo dhawaynaynaa, laakiin kormeerka aad samaynaysaan waa mid noocee ah, ma wakhtiga doorashada ayaa samaynaysaa, taasna waa in laysla eego, dadka kormeerka galayana waa in la sii tababaro oo guddida doorashooyinka ayaa ku shaqo leh, xisbiyaduna qayb ayay ku leeyihiin waana in laydiin ogaado.”
Ugu danbayntiina gudoomiyaha guddida doorashooyinka somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo ka hadlay kulankaa ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga qayb galo sidii diwaan gelinta codbixiyayaasha loo hir gelin lahaa. “Waxaynu hada galnay diiwaan gelintii taas oo u baahan in loo diyaar garoobo si aynu u galno doorashooyinka ku xiga.”ayuu idhi.
Inkastoo urruradda aan dawliga ahayn ee loogu yeedho bulshada rayidka ahi ay halbawle u yihiin hannaanka dimoqraadiyadda, isla markaana urruradda aan dawliga ahayn ee Somaliland ay soo mareen maraaxil badan, haddana waxa la tilmaamayaa intii dawladdani taladda haysay in dhaawac badani gaadhay sumcaddooda, loona tirinayo hay,addo badan oo door fiican qaadan lahaa inay ku milmeen siyaasadda, u ekaadeen hay,addo xukuumiya oo lumiyay kalsoonidii dhexnimadda, kana gaabiyay doorka loo baahnaa inay ka qaataan dhismaha dimoqraadiyadda. Qaadhaan bixiyayaasha Somaliland taageera laftoodda ayaa la tilmaamayaa in aanuu ka madhnayn saluugaasi, isla markaana marar badan ka xumaaday qaabka ay wax u dhaceen marka loo eeggo hay,addaha ay gacanta siiyaan ee maxaliga ah.
falanqayn iyo lafagur la xidhiidha xaqiiqooyinka humaaga dhabta ah ee jillayaasha aan dawliga ahayn ee Somaliland siday yihiin waxaynu ku eeggi doonnaa qormooyin kale.