Kormeerayaashii Jaamacada Carabta oo booqday goobaha dagaal ee syria
Dimishiq Dec 28,2011(qurbejoog.com)-Kormeerayaashi Jaamacada Carabta ayaa shalay soo indho indheeyay xaalada goobaha ay ku dagaalamayaan dadka kacdoonka wada iyo ciidamada dawlada.
Ciidamada dawlada ayaa gawaadhida gaashaaman ka saaray gudaha magaaloyinka dhiiga badani ku daatay ee Homs iyo Xama.
Dadka ku nool magaalada Homs ayaa kormeereyaasha weydiinayay “meeday dunidii,gudaha ugala magaalada si aad u aragtaan meydadka”.
Sidoo kale dadka ku nool magaaloyinka Homs iyo Xama ayaa sameeyay isu soo baxyadii ugu balaadhanaa ebid oo ay ku muujinayaan ka soo horjeedkooda xukuumada Bashar Al Asad.
Madaxa kormeereyaasha Jaamacada Carabta Gen Mustafa Dabi oo reer Sudan ah ayaa isla shalayba ku noqday Dimishiq,balse kormeereyaasha badankood uga tegay magaalada Homa.
Kormeereyaasha Carabta oo tiradooda la gaadhsiin doono ilaa 300 oo ruux ayaa hubinaya in ciidamada Syria in ay ka baxaan gudaha magaalooyinka.
Kooxaha ka soo horjeeda dawlada ayaa ku andacoonaya in ay ciidamadu wadaan leynta shacabka oo shalay oo qudha ay dilaan ilaa 25 ruux.
QM ayaa dhawaan shaacisay in sagaalkii bilood ee uu kacdoonku ka socday Syria ay ku geeriyoodeen ilaa 5000 oo ruux.
Qurbejoog-Dimishiq