|

Korjoogeyaal Hanbalyeeyay doorashooyinka Somaliland

Hargeysa November 14, 2024(QJ) -Safiirrada caalamiga ah ee dusha kala socda doorashooyinka Somaliland ayaa bogaadiyay doorashadii ka dhacday Somaliland, iyagoo sheegay inay si hufan oo nabad ah u dhacday.

Waxa ay is barbar dhigeen dimuquraadiyada Somaliland iyo dimuqraadiyada kale ee caalamka, iyaga oo carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in musharixiinta iyo muwaadiniinta la siiyo fursad ay kaga qayb qaataan doorasho xor iyo xalaal ah.

Safiiradan oo Hargeysa ka hadlay, ayaa ku bogaadiyay guddiga doorashada hufnaanta iyo dhexdhexaadnimada.

Waxayna carabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la aqbalo natiijada doorashada, waxayna cadeeyeen inay doonayaan inay sii wadaan la shaqaynta Somaliland si loo xoojiyo dimuqraadiyadda.

Comments are closed