Kor u Kac Xoogan oo Ku Yimid Tirada Dadkii Waxyeeladu ka Soo Gaadhay Qaraxii Xalay ka Dhacay Magaaladda London & Madaxda Caalamka oo Ka Falceliyey
London 04. June 2017 (SDN/QJ):- Dhimashada weerarkii London ayaa kor u kacday Waxaanay tiradu gaadhay ilaa sagaal qof in ka badan 50 kalena ay ku dhaawacmeen waxaanay boolisku ku tilmaameen weerarkaasi inuu ahaa fal argagixiso oo loo adeegsaday gaadhi iyo Mindiyo.
Wararku waxay sheegayaan in Saddex qof oo looga shakiyey inay ahaayeen dadkii weerarka fuliyay ay toogasho ku dileen booliska .
Rabshada ayaa ka dhalatey ka dib markii gaadhi la jiidhsiiyay dad lugaynayay oo marayay buundada caanka ah ee London Bridge.
Mid ka mid ah dadkii halkaa ku sugnaa markii uu weerarku dhacay ayaa Warbaahinta u sheegay inuu arkay saddex nin oo mindiyo ku hubeysan islamarkana ordaya meel u dhaw buundadaasi, Waxaanuu intaasi ku daray in dhowr qof oo waddada marayay ay raggaasi Mindiyo la dhaceen.
Halkaasoo Daqiiqado ka dib markii weerarku dhacay waxa goobta gaadhay booliska, waxaanay boolisku sheegeen in ay halkaa ku dileen laba ka mid ah Raggii weerarka soo qaaday qof kalena ay xabsiga dhigeen..
Dhanka kale, duqa magaalada London, Sadiq Khan, ayaa canbaareeyay weerarkan, waxaanu ku tilmaamay inuu yahay dhacdo filaynimo ah, Waxaanu intaa ku daray inaanu jirin qiil loo helayo falalkan cawaannimada ah.
Ra’iisul-wasaare Theresa May, ayaa lagu wadaa inay goor danbe oo maanta ah shir ay guddoominayso ay la yeelato hoggaamiyeyaasha laamaha ammaanka ee dalkaasi.
Madaxwaynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa sheegay in waddankiisu uu garab taagan yahay Britain, Madaxwayne Trump-ka dalka Maraykanka ayaa isna dhankiisa sheegay in Maraykanka ay samaynayaan wax kasta oo karaankooda ahna ay ku caawiyaan Britain.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa wax ka yar labo toddobaad iyadoo laga joogo markii weerar ismiidaamin ahi uu ka dhacay magaalada Machester oo ay ku dhinteen 22 qof.