|

Kor u kac ku yimid Tirada dadka ku dhintay weerarrada ka dhacay gobolka Xeebta oo korodhay

Nairobi 06.July 2014 (SDN/QJ)- Tirada dadka ku dhintay laba weerar oo kala duwan oo lagu qaadday gobolka Xeebta ee dalka Kenya ayaa korodhay, iyadoo gaartay sida ay sheegeen mas’uuliyiin iyo goob-joogayaal.

Lamu-Kenya-011Wararkii u dambeeyey ayaa sheegayo in 29 qof ay ku dhinteen weerarradan oo ka dhacay deegaannada Hindi iyo Tana Delta kaddib markii maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ay xalay weerareen.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Kenya Mwenda Njoka ayaa sheegay in sagaal qof lagu dilay weerar ka dhacay deegaanka Hindi oo ka tirsan magaalada Lamu, halka weerar kale oo lagu qaadday saldhigga deegaanka Gamba ay ku geeriyoodeen 20 ruux.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarradan ayaa saldhigga Gamba ka siideysay tuhmane loo heystay weerarradii bishii hore ka dhacay Mpeketoni.

Dhanka kale dalxiise ajinabi ah ayaa lagu dhaawacay magaalada Mombasa markii koox hubeysan ay toogteen, iyadoo loola cararay isbitaal, halkaasoo lagu daweynayo hadda.

Warbaahinta Kenya ayaa baahisay warar sheegayo in dalxiisahaas ay u dhalatay dalka Ruushka.

Nairobi SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed