|

Kor u Kac ku Yimid Qiimaha Sarifka Lacagaha Dollarka iyo Xukuumada oo ka aamustay

Hargasya 12.Dec 2014 (SDN/QJ) -Qiimaha sarrifka dollarka ayaa gaadhay halkii u saraysay iyadoo uu 10-ka dollarĀ  suuqyada qaar ka marayo 72,800 SL.SH. (Laba iyo toddobaatan kun iyo siddeed boqol oo shilinka Somaliland ah.]

lacagQiimahan ayaa ah halkii u saraysay ee sannadihii u dambeeyay lagu arko suuqyada sarifka ee Somnaliland. Ma jiro wax war ah oo uu baanka Somaliland ka soo saaray sababaha keenay sare u kaca dollarka iyadoo laga soo gudbay wakhtiga dhoofka xoolaha ee Carafada oo uu caadi ahaan sarrifka dollarku sare u kaco.

Hase yeeshe sare u kacan dollarku wuxuu saamayn ku yeeshay bulshada reer Somaliland ee danyarta u badan, maadaama oo uu sare u kaca sarifku saameeyay maceeshada quutal daruuriga. Tusaale ahaan sarifka dollarku wuxuu sababay inuu sare u kac ku yimaado maceeshada quutal daruuriga ah ee ay ka mid yihiin sonkorta, Bariiska, daqiiqda, Timirta IWM.

Comments are closed