Kooxo Watay Dhug-dhugleey oo Taliyihii Hore ee Milateriga dalka Burundi ku Toogtay Bujumbura
Bujinbura,16Aug,2016(QJ/SDN)-Dabley aan haybtooda la garanayn ayaa Sabtidii shalay ku dilay Bartamaha Magaalada Burundi Taliyihii Hore ee Millateriga Dalkaas, Col. Jean Bikomagu, isagoo noqonaya sarkaalkii labaad oo Bujumbura lagu dilo bishan gudaheeda.
Taliyaha la toogtay ayaa la sheegay in lagu toogtay illinka hore ee gurigiisa xilli aroor ah, isagoo kasoo laabtay kaniisad, waxaana dad goobjoogayaal ah ay laga soo xigtay in gabar yar oo uu dhalay oo la socotay iyadana si xun loo dhaawacay loona cararay isbitaalka.
Kooxo hubeysan ayaa horraantii bishan Ogoosto ku toogtay Bujumbura taliyihii ciidamada ilaalada madaxtooyada Burundi, kaasoo si aad ah ugu dhawaa madaxweyne Nkurunziza oo ah madaxweynaha dalkaas, dhawaanna mar saddexaad xilka loo doortay.
“Burundi Waxay ahayd Maalin kale oo Madow, Waayo Waxaa la dilay Sarkaal kale oo ka tirsanaa ciidamada Burundi, kaasoo lagu magacaabi jiray Col. Jean Bikomagu… Waa arrin murugo badan oo naxdin leh,” ayuu Facebook-giisa ku qoray Afhayeenka Madaxtooyada dalka Burundi, Willy Nyamitwe.
Col. Bikomagu ayaa ahaa Taliyaha ciidamada Millateriga Burundi intii uu ku jiray dalkaas Colaaddii Sokeeye ee billaabatay 1993-kii. Wuxuuna markii dambe noqday hoggaamiyaha mucaaradka Tutsiga, wuxuuna xilligaas dagaallo kula jiray Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nkurunziza oo isna xilligaas Madax u ahaa Xoogaggii Huutuuga.
Dalka Burundi ayaa waxaa ka socda rabshado ka dhashay Markii Madaxweyne Nkurunziza uu sheegay inuu mar saddexaad u tartamayo Madaxnimada dalkaas, taasoo ay Mucaaradka iyo Ururrada Bulshada rayidka Burundi ay ka soo horjeesteen.
Jimcihii lasoo dhaafay ayaa warbixin ay sii daysay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee QM ku sheegtay in 96-qof lagu dilay rabshadaha ka socda Burundi; kuwaasoo billowday bishii Abriil ee Sannadkan aynu ku jirno.
Ehellada Col. Jean Bikomagu iyo Goob-joogayaal ku sugnaa goobta ayaa waxay sheegeen in dilka sarkaalkan uu ahaa mid shirqool ah iyagoo yiri. “Xilliga Dilkiisu dhacayo Wuxuu ku sugnaa albaabka gurigiisa, Wuxuuna doonayay inuu Gaarigiisa galo, markaasoo Kooxo hubeysan oo dhug-dhugley [Mooto] watay gadaal kaga yimaadeen ayna toogteen.”
“Ma aysan dilin kooxo burcad ah, waayo ma jirto lacag ay ka dhaceen iyo weliba wax kale oo ay ka qaateen,” sidaa waxaa warbaahinta u sheegay qof ay ehelo ahaayeen oo magaciisa u qariyay sababo dhinaca ammaankiisa ah.
Dhanka kale, Afhayeenka Madaxtooyada Burundi ayaa xusay in kooxaha toogashada Col. Bikomagu ka dambeeyay lasoo qaban doono, sharciga la Horkeeni doono, isagoo xusay in laga digtoonaado wax walba oo carqaladeyn kara amniga iyo in aar-goosasho la sameeyo.
Ugu dambeyn, Magaalada Bujumbura ee xarunta dalka Burundi waa ka sii socda rabshado ka dhashay Doorashadii Dalkaas dhawaan ka dhacday ee la sheegay in uu ku Guuleystay Pierre Nkurunziza, iyadoo xilliga habeenkii ah rasaas xooggan laga maqlayo Caasimadda.