Kooxo hubeysan oo Nin Rayid ah ku dilay duleedka Dhuusamaree ee Xarunta gobolka Galgaduud
Dhuusamaree Feb 18 2013 (SDN)— Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareer ee Xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay saakay Nin ku toogteen meel duleedka ka ah Magaaladaasi.
Sida uu noo xaqiijiyay Taliyaha Ciidamada Nabadgalyada Magaalada Dhuusamareeb Farxaan Macalin Cali (Farabadan) Ninka la dilay ayaa lagu Magacaabijiray C/laahi Adowaa waxaana Raga hubeysan ay ku toogteen meel qiyaastii 15-km duleedka koofureed ka xigta Dhuusamareeb.
Taliyaha ayaa sheegay in dilku uu dhacay barkhanimadii saakay laakiin goordanbe ay kawar heleen, waxaana uu intaasi sii raaciyay in dilkan lagu tuhun sanyahay in ay kadanbeeyeen kooxo katirsan Al Shabaab oo ka yimid deegaanada ay gacanta ku hayaan.
Ninka ladilay ayaa ahaa Nin Raymiyi ah waxana xiliga ladilayay uu ku sii jeeday Magaalada Dhuusamareeb.
Dad ku sugan Magaalada Dhuusamareeb oo aan Telfonka kula xiriiray ayaa ii sheegay in dilkan Marxuum C/laahi Adowaa uu salka ku hayo Anooyin qabiil sida ay hadlka u dhigeen oo horay uga dhacay gobolka.
Majiraan ilo Madaxbanaan oo sicad u xaqiijinkarta cida ka danbeysay dilka ninkan hase ahaatee waxa uu dilkan qeyb ka noqonayaa dilal baryihii danbe ka dhacayay gobolka Galgaduud oo ay intiisa badan ka taliyaan Ahlu Sunna.
SDN-Dhuusamareeb