Kooxo hubeysan oo Maanta afar qof oo saraakiil ay ku jireen siyaabo kala duwan ugu dilay Muqdisho
Muqdisho (QJ/SDN) – Ugu yaraan Afar qof ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay maanta magaalada Muqdisho, waxaana dilalkan geystay kooxo hubeysan oo watay gaadiid, iyadoo afarta qof ee la dilay ay qaarkood ahaayeen saraakiil ka tirsanaa Sirdoonka Somalia.
Kooxo hubeysan ayaa degmada Wadajir ee gobolka Banaadir baqadii maanta ku dilay laba ruux oo midkood uu ahaa sarkaal, kaddib markii ay weerareen gaari ay la socdeen labadaan ruux ee la dilay.
Sidoo kale, kooxo kale oo hubeysan ayaa sidan oo kale degmada Boondheere ee Muqdisho ku dilay laba qof oo kale oo la sheegay inay saraakiil ahaayeen, iyagoo Toogashada kaddib ka baxsaday goobta.
Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in baabuurka la xabadeeyay ee saraakiisha lagu dilay uu ceyrsanayay gaari kale oo ay saarnaayeen rag hubeysan, waxayna markii ay gaariga ku dhawaadeen ku fureen rasaas fara badan, taasoo keentay inay labadaan ruux geeriyoodaan.
Weeraradaan lagu dilay Afarta ruux ee saraakiishu ku jireen ayaa waxaa mas’uuliyaddooda sheegatay Al-shabaab, iyagoo sheegay in saraakiishan ay muddooyinkan ku raad-joogeen.
Hay’adaha Amniga Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin dilalkan, iyadoo sidoo kale aysan jirin cid loo qabtay dilalkan maanta ka dhacay degmooyinka Wadajir iyo Boondheee ee gobolka Banaadir.
Ugu dambeyn, Dilalkaan maanta ka dhacay Muqdisho, ayaa imaanayaan xilli Arbacadii la soo dhaafay ay kooxo hubeysan oo gaari wata toogasho ku dileen lix qofood oo isugu jiray Soomaali iyo Ajaanib, iyagoo dhaawacay lix qofood oo kale oo u dhashay dalalka Turkiga iyo Kenya.