|

Kooxo Hubaysan Oo Ganacsade Caan ahaa Ku Toogtay Badhtamaha Magaalada Beledweyne

Beledweyne:Feb,17,2015(SDN/QJ)-Xarunta Gobolka Hiiraan ee Beledweyne, ayaa saaka lagu dilay Ganacsade magaaladaas caan ka ahaa, kaas oo kooxo hubaysani toogteen.

???????????????????????????????Kooxo bistoolado ku hubeysan ayaa afaafka hore ee gurigiisa waxa ay ku dileen ganacsade Xaaji Cumar Muxumad Nuur (Xaaji Quuraw), waxaana ganacsadaha lala dilay nin kale oo la sheegay in uu ilaalo u ahaa.

Kooxihii Dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana daqiiqado kadib halka uu dilku ka dhacay gaadhay ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya kuwaa oo sameeyay baadhitaano aan wali natiijadooda la shaacin.

Ganacsade Xaaji Cumar Muxumad Nuur ayaa caan ka ahaa Magaalada Baladweyn, waxa uuna dilkiisa wal wal ku abuuray shacabka ku dhaqan Magaalada Baladweyn oo ka dalbaday Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM in ay soo qabteen kooxihii dilka ka dambeeyay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed