|

Kooxo Daroogada Ka Ganacsada oo La Shir Yimid Khidad Cajiib ah Iyo Booliska oo La Yaaban Ficilada Kooxahan!!

Australia 02. July 2017 (SDN/QJ):- Kooxaha ka ganacsaada Daroogada oo ku sugan qeybo badan oo dunida kamid ah ayaa bilaabay in ay adeegsadaan kaartooyin badan si ay howshooda u qabsadaan ugana bad badbaadaan ciidanka booliiska ee dagaalka kula jira daroogada.

Mid kamid ah kooxaha caalamiga ah ee daroogada ka ganacsaada ayaa bilowday in ay adeegsato Diyaarado nuuca aan duuliyaha laheyn si ay ula socdaan dhaq dhaqaaqa ciidamada booliiska ee ka howlgalaya xadka iyo goobaha kale ee doonayaan in daroogada ka gudbiyaan.

 

Kooxdan ayaa la sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn adeegsadeen mar ay doonayeen in dalka Australia ku galiyaan 78 xirmo oo daroogada nuuca cocaine-ta ah sida laga soo xigtay masuuliyiin katirsan dowlada Australia.

 

Daroogadan oo suuqyada madaw ka joogta 23 milyan oo doolarka Maraykan ah ayaa la qabtay iyada oo saaran markab ku xirtay magaalada Melbourne kaas oo ku yimid Panama sida laga soo xigtay saraakiil katirsan booliiska.

 

 

Qorshahan dhicisoobay ee la doonayay in daroogada lagu galiyo dalka Asutraila ayaa loo xiray 7-nin oo la sheegay in afar kamid ah u dhasheen dalka Australia halka labo kalana ay kasoo jeedaan dalka Canada halkan ninka kale isna u dhashay dalka Britain.

 

Taliyaha booliiska Faderaalka ah ee Australia John Beveridge ayaa sheegay in ay sii xoogeesanayaan kooxaha daroogada ka ganacsada, waxa uuna tilmaamay in markan bilaabeen in diyaarado aan duuliyaha laheyn adeegsadaan si gacanta booliiska uga bad baadaan arinaasna aad ula yaabeen.

 

Kooxaha daroogada ka ganacsada oo ah kuwa caalami ah oo isku xiran ayaa dhibaato badan ku haya wadamada Caalamka qaarkood, waxa ayna kooxahan hada u muuqdaan kuwa marba la imaanaya qorshayaal ay ku xoojinayaan ka ganacsigooda daroogada mamnuuca ah.

Comments are closed