|

Kooxo Dabley Ah Ayaa 40 Qof Ku Diley  Waqooyiga Dalka Afgaanistaan Oo Ay Ku Jiraan Carruur Iyo Dumar

Kabul 09. August 2017 (SDN/QJ):- Weerar lagu hoobtay ayaa ka dhacay Waqooyiga Afgaanistaan Sida ay sheegeen madaxda amaanka dalkaasi.

Dagaalyannada ayaa weeraray goob lagu baadho amaanka dadka oo ku taalaa deegaanka Sayaad ee gobolka Sar-e u Paul ee waqooyiga dalka Afgaanistaan, iyada oo ay rasaastu u gudubtay aqalo ay ku jiraan dad shacab ahaa oo ka ag-dhawaa goobtaasi.

Afhayeen u hadlay Booliska gobolka mashaqadu ka dhacday ayaa sheegay in dadkaasi loo laayey si ka baxsan bili’aanimada oo axmaqnimo ah.

Ilaa hadda ma cadda cida weerarka fulisay, balse Ururka Daalibaan ayaa sheegay inay toogasho ku dileen hal qof oo ka tirsan ciidanka amaanka Afgaanistaan.

Dagaalada ayaa ku sii xoogaysanyey dalka Afgaanistaan bilihii dambe, iyada oo ay dhinteen 1,662 in ka badani sannadkan badhtankiisii sida laga soo xigtay Qaramada midoobay.

Madaxweynaha Maraykanka Trump ayaa sheegay inuu ka fikirayo inuu kordhiyo tirada ciidamada milatariga ee taageeraya ciidamada qaranka Afgaanistaan iyo Booliska si waxa looga qabto weeraradan isa-soo-taraya. Waxa weerarkan cambaareeyey madaxda sarsare ee dalka Afgaanistaan.

Comments are closed