Kooxdii Suldaan Wabar iyo Ciidamada Somaliland oo Dagaal Koobani ku dhex maray Deegaan u dhow Qol ujeed iyo Khasaaraha ka dhashay
Boorama 10.May 2015 (SDN/QJ) War imika naga soo gaadhaya Deegaanka fulufuulka ee deegaanka Borama Gobolka Awdal ayaa sheegaya in maanta dagaal toos ahi dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo kuwa jabhada oo uu watay Mayerkii Hore Ee Borama Cabdiraxman Shide Bile.
Dagaalka ayaa laiswaydaarsaday rasaasta qoryaha fudud waxaana uu socday 40 minut oo labada dhinac weerar iyo difaac iskugu jireen.
Ciidamada Somaliland ee ku sugan Quljeed ayaa si kooban aga hadlay dagaalkaasi sheegayna in uu ahaa mid ay jabhadaasi si gaadmo ah ugu soo qaadeen Deegaanka Diniqa ee u dhexeeya Borama Iyo Quljeed,isla markaana ay uu imika dhamaaday dagaalkaasi jabhadaasi halkii ay ka yimaadeen u carareen.
Dhaawaca hal askari oo ka tirsan ciidanka Somaliland ah ayaa la keenay cisbataalka Borama,walina lama shaacin magaca dhaawaca askariga.
Ciidamada Jabhada ayaana wali hadal kasoo saarin ujeedada dagaalka maanta soo qaadeen,waxaana Boramanews iskudayday hogaamiye Cabdiraxman Shide in uu war ka bxiyo weerarka jabhadooda.
Dhinaca kale Xogo aanu ka helnay goobta isku hor imaadku ka dhacay ayaa sheegaya in Kooxdan Jabhada ah laga dilay hal qof mid kalena laga dhaawacay.
Xaalada Guud ee magaalada Borama ayaa ka duwan Jawigii uu saaka waagu ugu baryay waxaana inta badan dadweynuhu ay aad u hadal hayaan dagaalkani saaka ka bilaabmay Galbeedka Borama waxaan inta badan mashquuliyey jidadka hawlbawlahaa ee borama Gaadiidka Ciidamada S/land kuwaasi oo gaaf wareegaya Jidadka waaweyn