Kooxdii Jabsatay Emailka Agaasimaha CIA oo ka Hadlay Xogta ay la Baxeen
Washington,24Oct,2015(QJ/SDN)-Kooxda dhalinyarada ah ee jabsaday Emailka Agaasimaha CIA-da Maraykanka John Brennan ayaa saxaafada u sheegay inay doonayaan in Maraykanku joojiyo taageerada uu siinayo maamulka Isra’iil ee dagaalka kula jirta Falastiiniyiinta.
Qaar kamid ah kooxda emailka jabsaday ayaa si toos ah telefoonkiisa uga garaacay John Brennan, waxayna sheegeen inuu u balan qaaday lacag hadii ay xogta usoo celinayaan, balse waxay sheegeen in codsigoodu lacag ahayn balse doonayaan in Maraykanku joojiyo taageerada uu siiyo Isra’iil iyo dilka dadka masaakiinta ah ah ee reer Falastiin.
Kooxdan Ardayda ah oo la sheegay inay gaadhayaan 6 qof oo kala jooga Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa sheegay inay si fudud kula wareegeen Emailka John Brennan halkaasi oo ay kala baxeen xog badan oo xasaasi ah oo ay ku wareejiyeen shabakada faafisa xogta sirta ah ee Wikileaks.
Dhalinyaradan ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan ay shaacin doonaan xog kale oo ay kala baxeen Emailada mas’uuliyiin sar sare oo aanay magacyadooda shaacin, iyagoo balan qaaday in 5ta bisha November xog cusub soo bandhigi doonaan.
Xogta lagala baxay Emailka khaaska ah ee Agaasimaha Sirdoonka Maraykanka ayaa waxaa kamid ahaa macluumaad xasaasi ah oo uu gudbiyey wasaaradaha, Baarlamaanka iyo Aqalka Cad xilligii uu ahaa Lataliyaha Madaxweyne Obama ee dhanka la dagaalanka argagaxisada, xogtaasi oo qaar la xadhiidhay jirdilka Maraykanku u gaysto dadka uu qabto ee ku eedaysan arimaha argagixisada.
Waxaa sidoo kale xogta laga xaday Mr.Brennan ku jiray in badan oo kamid ah ciwaanadiisa goobihii uu degenaa iyo waliba meelaha ay kala degen yihiin Qoyskiisa iyo ciwaanada lagala xadhiidhi karo.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA KOOXDAN JABSATAY EMAIL-Ka