|

Kooxda Xidigaha Geeska oo markii kowaad Barnaamijka Ciida ugu Qabtay Hargaysa Telefishanka Qaranka ee Somalia iyo Wasaaradda Warfaafinta oo aan ka hadal,Daawo Hor dhaca Barnaamijkaas

Hargaysa 27.July 2014 (SDN/QJ)-  Waxa isa soo tarayay Warar sheegaya in Kooxda Xidigaha geeska Laga Duubay Barnaamijyo laga baahinayo tv-yada qaranka Somalia iyo universal kuwaasi oo ah barnaamijyo qaranimada Somaliland ka soo hor jeeda.

waxa magaalada hargaysa ay Kooxdani ku samaysay  barnaamij ka imanayo istuudiyaha Hargeysa ee TV Qaranka ee Somalia waxaana marka laga yimaado kooxdan u fududaysay kana ogolaatay in sidaasi loo bahdilo qarankoodii ay ceeb iyo waji gabax ku tahay xukuumadda silanyo iyo waliba wasarradda warfaafinta.

Wariyeyaasha daadihinaya barnaamijka”halkani waa telefishanka somaliya iyo barnaamijka ciida oo idinka imanaya magalada Hargeysa” miyaanay ceeb iyo khiyaamo qaran ahayn marka ay sidaasi ka ogolaadeen in loo bahdilo dalkoodii.

Dhinaca kale  si aan u xaqiijino wararkaasi ayaanu la xidhiidhnay af-hayeenka kooxda xidigaha geeska Cabdirisaaq Xaamud Caydiid ( Jaylaani), si aanu xog dheeraada arintaa uga helno wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay “Wararka suuqa la soo galiyay-waa warar la siyaasadeeyay fanka iyo siyaasadana in la kala saaraa haboon.” Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi – “Kooxda xidigaha geesku waa koox faneed ka madaxbanaan siyaasada .dadka af iyo dhaqan wadaagta leh ee somaliduna way na wada dhagaystaan oo suugaantayadu xad ma leh laakiin qadiyadayada ayaa xad leh oo koox reer Somaliland ah ayaan nahay”.

jaylaaniAfhayeenka Kooxdan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Qarankana jiritaankiisa anagaa jecel isalamarkaana cid walba uga lexejeclo badan Markaa dadka waxaan dadkayga reer Somaliland la socodsiinayaa in ay kooxda xidigaha geeesku tahay koox qaranimada somalilandd u taagan mar kasta.”

 

xidigaha_geeskaMr Jaylaani afhayeenka kooxda xidigaha geesku waxa uu intaa ku daray “fanaanka C/nuur alaale heesihiisa tv-yada waa laga soo daayaa oo Somalidu way dhagaystaan – laakiin dal ahaan waa fanaan reer jabuutiya oo calankiisa iyo ciidiisa ku abtirsada anaguna sidaasoo kale heesahayagu meel kasta waa laga soo daynayaa laakiin fanaaniin reer Somaliland ah ayaanu nahay ee taasi cidnaba yaanay mugdi ka galin fanka iyo siyaasadana ha la kala saaro.”

Si kastaba ha ahaatee Waa Markii 1aad ee Koox Faneed Somaliland ahi ay Barnaamij u qabtaan Telefishanka ay Maamusho Xukuumada Somalia Wasaaradda Warfaafinta oo ay Kooxdani ka Tirsan tahay ayaan ka hadal dhacdadan .

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed