|

Kooxda UN Monitoring group oo Baadhaya Nidaamka ay Somaliland u Bixiso Qandaraasyadda Tababarada Ciidamadda Sahaminta Shiidaalka ee OPU

Hargeysa, 17,Sep 2015 (SDN/QJ)- Kooxda Qaramada Midoobay ee UN Monitoring group ayaa baadhaysa qaabka loo bixiyay qandaraasyada la xidhiidha sahamainta khayraadka dalka, si gaar ahna waxay u baadhayaan qaabka loo bixiyay tababarka ciidamada ilaalada shirkadaha khayraadka baadhaya oo loo yaqaano Oil protection Unit (OPU). Sidaas waxa toddobaadkan baahiyay wargeyska Indian ocean newsletter oo cadadkiisii u dambeeyay kaga hadlay.

 

Wargeysku wuxuu sheegay in baadhista UN monitoring group ee qandaraaskan oo la siiyay shirkad Ingiriis, ay kooxdan UN Monitoring group ku hayso baadhis culus, wuxuu kaloo wargeysku xusay in isla baadhista qandaraaskani ay  sidoo kale ku jirto warbixin la filayo in bishan September la soo saaro oo ay diyaarisay hay’adda loo yaqaano International Criris Group (ICG). Qandaraaskan oo ay jariiradu xustay in la siiyay shirkadda Ingiriiska ah ee Saladin Security.

 

Wargeysku, wuxuu sheegay in dalalka reer galbeedku ay  walaac ka muujiyeen aasaaska ciidankan OPU ee ay UN monitigirng group baadhayso qaabka loo bixiyay qandaraaska lagu tababarayo oo ay dhawr goor xukuumadda Somaliland difaacday.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed