|

Kooxda Suxufiyiinta Cadaaladda “Journalists For Justice Rights Group” Oo Ciidamada Kenya Ku Eedeeyay In Ay Cashuuro ka qaataan Dhoofinta Sonkorka iyo Dhuxusha

Nairobi,13Nov,2015(QJ/SDN)-Kooxda Suxufiyiinta Caddaalad-doonka “Journalists for Justice rights group” ayaa waxay shalay soo bandhigeen Warbixin ku aadan inay Ciiddanka Kenya, Xarakadda Alshabaab iyo Maamulka Axmed Madoobe macaash badan ka helaan Canshuuraha laga qaado Sonkorta iyo Dhuxusha, waxaana arrintaasi ka hadlay Ganacsatadda badeecadaha ka soo dejiya Dekedda magaalladda Kismaayo.

Qaar ka mid ah Ganacsatadaasi oo ku sugan magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in Kharajka ay dhinacyadaas helaan ka badan tahay Kharajka lagu sheegay Warbixintii ay Kooxda Suxufiyiin Kenyan ka soo saareen arrimahaasi.

Canshuuraha Dhuxusha laga dhoofiyo Dekedda Kismaayo waxaa Ciiddanka Kenya iyo Alshabaab laga siiyaa bishiiba lacag u dhexeysa Hal million oo Dollar ilaa Labo million oo Dollar.

Alshabaab ayaa la sheegay inay 25 million oo Dollar sannadkiiba ka helaan Cabshuurta Dhuxusha laga dhoofiyo Dekedda Kismaayo.

Ganacsatada waxay kaloo sheegeen in Hal million oo Jawaan dhuxul ah bishiiba laga dhoofiyo Dekedda magaalladda Kismaayo oo ay si wadajir gacanta ugu hayaan Maamulka Jubba iyo Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Comments are closed