Kooxda Nabad-diidka ah ee Ku Sugan Magaalada Buuhoodle oo Xalay Nin ku Toogtay Deegaanka Kalshaale
Kalshaale, 28 March, 2016 (SDNQJ): – Waxa xalay dablay hubaysani ay toogasho ku dhaawaceen Faarax Axmed (Kama Dage) deegaanka lagu magacaabo Maskax-buqle oo ka tirsan aagga Kalshaalle, Sida uu noo xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmada Qori-lugud.Maxamed Cumar Faarax.
Ninkan la dhaawacay ayuu Guddoomiyaha Qori-lugud sheegay in uu ahaa nin reer miyi ah oo xoolo dhaqato ah isla markaana la toogtay xilli uu xalay geeliisa soo carraabinayay.
Waxaa kale oo uu guddoomiye Maxamed Cumar intaa ku daray in aanay illaa hadda aqoonsan sababta loo beegsaday Faarax Kama Dage oo rasaas madaxa lagaga dhuftay oo uu sheegay in uu xaalad miyir la’aan ah ku jiro (Kooma) waxaana muddo yar uu yaalay xanaanada Qori-lugud, waxase saacad ka diba loo soo qaaday dhinaca magaaladda Burco.
Guddoomiyaha Degmada Qorilugud waxa uu intaas ku daray in ay u malaynayaan in toogashadaa ay geysteen kooxda nabad diidka ah ee ku dhuumaalaysata aagga Buuhoodle.
Maxamed Cumar, waxa uu xusay in dhibanaha la toogtay uu ahaa nin xoolo dhaqto ah oo aan wax colaad ah ku jirin isla markaana aanay ogayn cid uu godob ka galay.
Muddooyinkii dambe waxaa magaalada Buuhoodle ku sugnaa dagaal ooge Cali Khaliif Galaydh oo doonaya in uu iska hor keeno dadka reer Somaliland ee walaalaha ah oo uu colaad kala dhex dhigo isla markaana dagaal ka dhex alooso dadka ood-wadaagta ah ee Buuhoodle iyo Qorilugud.