|

Kooxda Khaatumo Oo Sheegtay Inay Ka Dambeeyeen Maxaabiistii Ka Baxsatay Xabsiga Laascaanood.

Laascaanood,5Oct,2015(QJ/SDN)-Kooxda Khaatumo ayaa markii ugu horraysay ka hadlay maxaabiis ka baxsatay xabsiga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool bishii lasoo dhaafay, kuwaasoo la sheegay inay Buuhoodle u baxsadeen.

ku xigeenka Hogaamiyaha Khaatumo, Cabdalla Maxamuud Haybe ayaa sheegay in khaatumo ka dambeysay baxsashada maxaabista oo uu ku tilmaamay kuwo si sharci-darro ku xidhnaa, sidoo kalena tilmaamay inay iska kaashadeen baxsashada maxaabiistan qaar ka mid ah saraakiisha xabsigaas xukuma.

Sidoo kale, ku xigeenka hoggaanka Khaatumo ayaa intaas ku daray inay iska kaashadeen howshan dhallinyaro is-xil-qaantay oo ku sugan Laascaanood iyo xubno ka tirsan kooxda Khaatumo, taasoo ay ku guulaysteen. Wuxuuna ku daray hadalkiisa inay xabadeeyay xabsiga taasoo ahayd mid lagu jah-wareerinayay ciidanka Somaliland xiligaas maxaabiistani baxsanayeen.

Dhanka kale, Cismaan Maxamed Guuleed oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada Somaliland ee saldhigga magaalada Laascaanood ayaa xusay inuu ka qayb-qaatay fakinta maxaabistan oo qaarkood oo uu sheegay in si sharci-darro ah ay ugu xidhnaayeen xabsiga.

Guddoomiyaha baarlamaanka Khaatumo oo ku sugnaa kulankaan lagu soo bandhigayay maxaabistii ka fakatay xabsiga Laascaanood ayaa tilmaamay inay maamulkiisu ku guda-jiraan sidii ay u soo furan lahaayeen maxaabiis kale oo ku xidhan magaalooyin dhawr ah kuwaasoo shacabkooda ka mid ah.

Ugu dambeyntii, dhawaan ayay ahayd markii 35 maxbuus oo dambiyo kala duwan ugu xidhnaa xabsiga Laascaanood ay ka baxsadeen xili ay is-rasaasayni socotay, waxaana ku geeriyooday iska-hor-imaadkaas mid ka mid ahaa maxaabistii halka uu mid kalana ku dhaawacmay.

 

 

Comments are closed