Kooxda Difaacayaasha Xuquuqal Insaanku oo walaac ka muujiysay dad ku geeryooday mudaharaadyo dhacay doorashada kadib
Hargaysa 19. November 2017 (SDN/QJ):-15kii November 2017 mudaharaad ayaa ka dhacay qaybo ka mid ah Hargeysa, Burco iyo Ceergaabo kadib markii xubno ka mid ah xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ay ku sheegeen shir jaraa’id oo ay qabteen in “wax is dabo marini dhacday.” 13kii November 2017 ayaa Somaliland qabatay doorasho madaxweyne oo ay ku baratameen sadex xisbi.
Laba qof oo rayid ah ayaa ku dhintay Burco afar kalena way ku dhaawacmeen kadib marki ciidamada amaanka ee booliiska iyo Ciidanka Qaranku ay fureen rasaas ay ku kala eryayeen dadka mudaharaadka samaynayay. Hargeysa gabadh ayaa ku dhimatay kadib markii xabadi ku dhacday, ugu yarana shan qofina way ku dhawaacmeen.
Wasiirka Madaxtooyada oo hadlay wuxuu sheegay in xubno ka tirsan ciidamada ay dhaawacyo soo gaadhsiiyeen dadka mudaharaaday oo dhagxaan tuurayay.
Magaalada Burco ciidamada soo dhexgalay si ay u kala dareeriyaan dadka mudaharaday waxa ka mid ah Ciidanka Qaranka (Military), sida ay xaqiijiyeen dad goob joog ahaa.
Maalintii doorashada waxa mudo kooban la xidhay xubno mucaarad ah oo uu ka mid yahay Xamse Khayre oo ah madaxa ololaha Waddani oo lagu xidhay Gabiley, iyo Baashe Yuusuf Axmed iyo Faadimo Siciid oo ka tirsan madaxda Waddani lagu xidhay Hargeysa. Dhamaantood waxa la sii daayay isla maalintiiba
Dhinaca kale baraha bulshada ee interneetka ayaa la xidhay 13kii ilaa 17kii November.
Kooxda Difaacayaasha Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysaa hay’adaha amniga inay is xakameeyaan oo aanay isticmaalin wax rasaas ah oo ay kaga hortegayaan dad shacab ah oo mudaharaadsan sidoo kale Ciidanka Qaranka (military) waa inaanu soo dhexgelin arimaha ka dhacaya gudaha dalka iyo mudaharaadyada ay shacabku sameeyaan.
Waxaanu ugu baaqaynaa dhamaan dhinacyadu inay isticmaalaan marino nabad gelyo ah oo aanay samayn wax rabshado ah. Wixii cabasho ah waa in lagu xalliyo si nabad ah.
Kooxda Difaacayaasha Xuquuqal Insaanku waa ururo iyo difacaayaal xuquuqal insaan oo u midoobay inay xaqiijiyaan inaan lagu tacadiyin xuquuqda dadka xiliga doorshada.
Faisa Aw Ali Yousuf
Gudoomiyaha Kooxda Difaacayaasha Xuquuqal Insaanka
Email: faizayussuf@gmail.com